4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 9 , 2008
In ka badan 100 Neef oo Ari ah oo Munaasabada Ciidda Awgeed loo qeybiyay dadka soo barakacay ee ku jira Xeryaha Magaalada Beledweyne

Talaado, December 09, 2008(HOL): Munaasabadda Ciidda Awgeed ayay Hay'adda Muslim Aid ee ka howl-gasha Magaalada Beledweyne waxaa ay u qeybisay dadka soo barakacay ee ku jira Xeryaha Magaalada Beledweyne ilaa 100 Neef oo Ari ah si markaa farxadda maalinta Ciidda ay ula qeysadaan dadka kale ee wax heysta.
 
Xiriirayaha Hay'adda Muslim Aid ee Goballadda dhexe Xuseen Dhuubow Cabdi oo qeyb ka qaatay gaarsiinta Sadaqada dadka dhibaateysan ee ku jira Xeryaha barkacayaasha ee Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in Xoolaha la qeybiyay ahaayeen kuwo iyagoo qalan loo siiyay Qoysaska ku jira Xeryaha Magaalada Beledweyne, maadaama ayuu yiri laga yaabo in ay jiraan dad doonaya in ay siyaabo kale uga faa'ideytaan kaalmada oo ah mid loogu tala galay in la quuto maalmaha lagu jiro farxada.
 
Waxaa kaloo uu intaa ku daray in sababta ay u doorteen Qoysaska soo barakacay ay tahay iyagoo ah kuwa meel cidla ah fadhiya lagana yaabo in qaarkood aysan cidnaba ka aqoon magaalada, isagoo intaa raaciyay in mar walba ay wanaagasan tahay maalmahan oo kale in dadka Masaakiinta ah la caawiyo.
 
Dadka ku jira Xeryaha la gaarsiiyay Sadaqada ayaa siweyn u soo dhaweeyay tallaabada ay qaaday Hay'adda Muslim Aid ee ka howl-gasha Goballka Hiiraan oo maalin ka hor sidoo kale Xeryaha ay ku jiraan dadka barakacayaasha gaarsiisay deeq Dawo ah.




C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia