4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 9 , 2008
Sidee looga ciiday Magaalada Cape Town ee Dalka Koofur Afrika?


Talaado, December 09, 2008(HOL): Magaalada Cape Town ee Dalka Koofur Afrika ayaa si weyn loogu soo baxay salaadda ciidda iyadoo muslimiin aad u fara badan ay buux dhaafiyeen barxadaha lagu oogo salaadaha ciidda ee ku kala yaala gudaha iyo duleedada magaalada.

Soomaalida iyo muslimiin kale oo kasoo kala jeeda dalalka Pakistaan, Bangaladesh, Itoobiya, Tanzania, iyo Wadamo kale  ayaa waxay isugu soo baxeen barxadda weyn ee ku taalla xaafadda Bellville ee duleedka magaalada Cape Town, halkaasoo ay isugu soo urureen boqolaal qofood oo ka kala yimid xaafado kala duwan.

Jawiga ayaa waxa uu ahaa mid aad u wanaagsan oo dadka wajiyadooda ay farxadi ka muuqaneeysay rag iyo dumarba, waxaana albaabada loo laabay dhamaan ganacsiga Soomaalida xiliga salaadda ciidda, inkastoo dadka qaar ay dib u fureen salaadda kadib.

Waxaa kaloo jira Soomaali kale oo ku kala nool xaafado halkaasi ka fog-fog kuwaasoo iyagu dhexda ka raacay muslimiinta kale ee Wadankan lana dukaday salaadda ciidda.

Ciiddan ayaa waxa ay aheyd mid dadku ay si weyn ugu soo baxeen sababta oo ah xiliga ay ku soo beegantay ayaa waxa uu yahay  xili kuleeyl ah oo dadku ay banaanka iska mushaaxaan sidii ay doonaan oo qaboowgiina laga soo baxay.




Faarax Daahir, Hiiraan Online
[email protected]
Cape Town, South Africa