4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 9 , 2008
Madaxwayne DGPL oo hambalyo u diray Muslimiinta Caalamka, kana hadlay arrimo badan oo ku saabsan Soomalida iyo xiriirka Puntland kala dhaxeeya Itoobiya

Talaado, December 09, 2008(HOL): Madaxwaynaha DGPL Maxamuud Muuse Xirsi Cadde oo ku sugan dalka dibadiisa ayaa ugu hambalyeeyay muslimiinta dunida ciidda barakaysan ee u dhalatay ,waxaana uu u rajeeyay in ciiddan teeda kale in ay farxad ku gaareen shacabka Puntland.

Madaxwayne Cadde oo baryahanba ku sugnaa dalka Itoobia ayaa shalay muslimiinta dalka Itoobiya la tukaday salaaddii Ciidda,waxaana uu iminka kulamo kala duwan la leeyahay Masuuliyiinta uga saraysa dalkaasi.
 
"Waxaan ugu hambalyeynayaa Umadda Muslimiinta Ciidda u dhalatay ,waxaana u rajaynayaa in ciida kale ay farxad ku gaaraan "sidaas waxaa yiri Madaxwayne Cadde oo waraysiyo kala duwan siiyay Idaacadaha ku yaala Puntland.

Sidoo kale Madaxwaynaha Puntland oo wax laga waydiiyay arrimaha dib u heshiisiinta dhinacyada Soomaalida ayaa ka digay dhibaato loo horseedo ummada soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Waxaa kaloo uu intaasi ku daray in loo baahan yahay in meel looga soo wada jeesto Burcad Badeeda ku soo badanaysa xeebaha gacanka cadmeed ee ku teedsan biyaha Somalia,isagoo arintaasi ku eedeeya dad doonaya dhibaatooyin ka dhasha biyaha Somalia.

Madaxwayne Cadde ayaa sidoo kale sheegay in xiriirka Puntland iyo Itoobiya ka dhaxeeya uu yahay mid aad u wanaagsan ,Isla markaan labada shacab ay yihiin walaalo.

Hadalka Madaxwaynaha ayaa ku soo beegmaya ,iyadoo maalmo ka hor uu gaaray dalka Itoobiya ,waxaana Safarrada Madaxwayne Cadde la is oran karaa Waa kuwa uu kalsooni dheeraad ah kaga doonayo dawladaha la jaarka ah ee Puntland ama Somalia.

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia