4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 30, 2008
Magaalada Beledweyne oo si weyn looga ciiday

Talaado, September 30, 2008(HOL): Magaalada Beledweyne ee Xaruta u ah Gobalka Hiiraan ayaa si aan horay loo arag waxaa looga oogay Munaasabada Ciidul-fidriga, iyada oo Kumanaan dad weynaha Magaalada ah isugu soo baxeen Barxad weyn oo ku taala Ex.xaruntii hore ee Ciidamada Xoogagga Dalka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo (Lama-galaay).
 
Goobta Salaadda lagu tukanayay oo aheyn  mid aad u saxmad iyo cariiri badan ayaa waxaa ammaanka sugayay Ciidamo ka tirsan Midowgga Maxkamadaha kuwaa soo dadka ugu baaqay in ay dhowraan nidaamka, kana fogaadaan wax kasta oo keeni kara in uu ammaanku faraha ka baxo.
 
Markii ay soo dhamaatay tukashada Salaadda ayaa waxaa halkaas qudbado Diini ah ka jeediyay qaar ka mid ah Culimaa'udiinka Gobalka, waxaana mid ka mid ah qudbadihii  halkaas laga jeediyay laga dheehan karay sida Culimadu uga xumaatay hadallo Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da uu ka sheegay Shiikh Yuusuf Max'ed Siyaad Indha-cadde, waxaana ay Culi'madu soo dhaweeyeen hadalkii Shiikh Shariif Shiikh Axmed ee ahaan in Ciidamada Itoobiya looga saaray Magaalada Beledweyne wada hadal. Intii  ay qudbadu soctay ayay Mas'uuliyiinta Xoogagga Maxkamadu halkaas ka sheegeen in laga bilaabo habeen danbe Magaaladu tahay Bandow si loo xaqiijiyo ammaanka guud ee Gobalka.
 
Inkastoo Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne maanta oo kale ay u aheyd maalin farxadeed, ayaa hadana waxaa dhinaca kale xusid mudan in Ciiddu ku soo beegantay xili guud ahaan Gobalka Hiiraan ay gacanta ku hayaan Xoogagga Midowgga Maxkamadaha isla markaana ay meesha ka baxeen Ciidamadii Itoobiya.
 
Dhamaan is-goosyada Magaalada ayaa lagu arkayaa dadweyne raxan raxan u socda isla markaana isku maraxbeynaya Musaabada Ciidda, waxaana xusid mudan in Caruurtu ahaayeen kuwii ugu badan ee maanta ka qeyb-qaadanayay  damaashaadka iyo xuska loo sameynayay Ciidda, waxaana leenahay muslimiinta meel kasta oo ay joogaan  (Kulu Caam Wa antum Bikheyr).



 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia