Khamiis, September 25, 2008(HOL): Xoghayaha Gaashaandhigga Isbaheysiga Dibu xoreynta Soomaaliya Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde ayaa ku baaqay in la furo garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Shiikh Yuusuf waxaa uu sheegay in xirnaashaha garoonka ay dhibaato badan ku qabaan Shacab badan oo Soomaaliyeed, wuxuuna caddeeyay in uu waajib ka saaran yahay in ay ka hadlaan dhibaatada ay dadka qabaan.
“Garoonka Diyaaradaha waan la soconnaa in uu cadaw ku adeegto, hadana waxaa siyaabo kala duwan uga faa’iideysta shacab badan oo Soomaaliyeed oo ay ku jiraan kuwo ku dhaawacmay dagaalladii Muqdisho ka dhacay, kuwaasi oo ay suurtagal tahay in aan dhaawacyadooda waxba looga qaban karin gudaha dalka”ayuu yiri Shiikh Yuusuf Indha-Cadde
“Walaalihii amarkaas soo saaray waxaa ugu baaqeynaa inay go’aankaas ka laabtaan, ayna xayiraadda ka qaadaan Diyaaradaha rayidka”ayuu hadalkiisa ku sii daray Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-Cadde oo shirkadaha diyaaradahana ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan in ay qaadaan Dad ka tirsan Dowladda Federaalka.
Xirnaashaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay dad badan oo ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo isagu jira kuwo garoonka kala soo degi jiray badeecooyin, kuwo arrimo caafimaad uga dhoofi jiray iyo kuwo si caadi ah uga safri jiray, kuwaasi oo haatan beryahan ku go’doonsan magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyntiina, Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde waxa uu ka hadlay hadal uu habeen hore sii daayay Afhayeen u hadlay Xoogag la baxay Raas-Kambooni oo lagu magacaabo Shiikh Maxamed Dul-yaddeyn, kaasi oo sheegay in Maxkamadaha Islaamka ay burbureen, isla markaana iyagoo ka baxay oo hoos-taga Shiikh Xasan Turki ay dagaallada sii wadayaan, “Waan maqlayay Walaalkaas hadalkiisa, waxaanse leeyahay ma jiraan Maxkamado burburay, iyagana annaga ayaa u iibinay hubka ay ku dagaallamaan, marka waa laga fiican yahay in uu sidaas yiraahdo”ayuu yiri Shiikh Yuusuf Indha-Cadde.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia