![]() |
| Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur |
Ugu horeyn waxaa uu ka hadlay xayiraad ay ku soo rogeen Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo in ay Dadka cuna-qabateeyeen, wuxuuna sheegay in ay wararkaas yihiin kuwo aan sax ahayn, wuxuuna caddeeyay in garoonka la furi karo marka laga wada hadlo.
“Xirnaashaha Garoonka ma ahan Qur’aan soo degay, waana la furi karaa haddii laga wada hadlo oo ay Bulshada sidaas isla gartaan”ayuuyiri Abuu Mansuur oo intaas ku sii daray in sababta ay Garoonka u xireen ay tahay iyadoo garoonka uu noqday meel ay Ciidamo degan yihiin, isla markaana ay hub kala soo degaan.
“Garoonka markiisii horeba Mujaahidiinta ayaa furay, kadibna cadaw ayaa qabsaday, haddana haddii laga wada hadlo waa la furi karaa”ayuu yiri Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo waxba kama jiraan ku tilmaamay in furitaanka garoonka ay ku xireen lacag la siiyo.
“Wararkaas waxba kama jiraan, in aan lacag weydiisanno iska daaye, waxaaba jira Shirkado yiri lacag ayaan idin siineynaa, kuwaasi oo aan ka diidnay”ayuu hadalkiisa ku sii daray Abuu Mansuur oo caddeeyay in aysan ahayn dad isbaaro dhiganaya, “suurtagal ma ahan in aan sidaas u dhaqanno, waayo annaga ayaaba isbaarada la dagaallanna”ayuuna mar kale yiri.
Waxaa kale oo uu ka hadlay eedeyn kale oo loo jeediyay oo ahayd in ay u hanjabeen Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, wuxuuna sheegay in hanjabaaddaas aysan iyagu ka imaanin, suurtagalna aysan ka ahayn, “Odayaasha Hawiye waa Waalidiinta Mujaahidiinta, mana suurtowdo in loo hanjabo, waxaaba la socotaan in taageerada ay u muujiyeen halganka iyo jihaadka socda loo xiray, dhibaatana loogu geystay”ayuu yiri Abuu Mansuur.
Abuu Mansuur oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in ay jiraan Dad ku qaraabta magaca Al-Shabaab oo dhibaato u geysta Shacabka Soomaaliyeed, “Shacabka Soomaaliyed waxaan u caddeyneynaa in dadka falalkaas geysanaya aysan ka mid ah Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, waxaana wadnaa tallaabooyin aan ka qaadeyno”ayuu yiri Abuu Mansuur oo caddeeyay in ay gacanta ku soo dhigeen dad falalkaas ku lug lahaa, kuwaasi oo ay maanta maxkamadeynayaan.
“Shalay ayaa ugu dambeysay waxaan soo qabannay Dad fidno-wadayaal ahaa oo Magaca Al-Shabaab dhibaato ku geystay, kuwaasi oo geystay falal isugu jira dil iyo dhac. Dadkaas maanta ayaa maxkamad la soo taagayaa, laguna qaadayaa wixii ay shareecada Islaamka ka qabto arrintooda”ayuu yiri Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.
Ugu dambeyntiina, Abuu Mansuur waxaa uu ka hadlay Hay’ado Samafal oo la sheegay in ay xayiraad gaar ah ku soo rogeen, wuxuuna sheegay in aysan dhamaan hay’adaha ku soo rogin, balse waxa ay shaqada ka joojiyeen ay yihiin Hay’adaha Care iyo IMC, “Hay’adaha kale wixii qaab samafal ah u shaqeynaya howshooda waa wadan karaan, laakin labadaas hay’adood ee aan shaqada ka joojinnay ma howlgeli karaan, maalin gaar ah ayaana rabaa in aan arrintooda ka hadlo”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
