4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 3 , 2008
Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo soo dhaweeyay Shirka Dowladda loogu qabanayo

Jimco, October 03, 2008(HOL): Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay soo dhaweeyeen dadaallo ay wadaan Urur Goboleedka IGAD iyo Beesha Caalamka, kaasi oo wax looga qabanayo xaaladaha Siyaaso-Ammaan ee dalka Soomaaliya.

Xildhibaan Cali C/llaahi Cosoble oo ka mid ah mudanayaasha Baalamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dadaalka uu wado urur goboleedka IGAD uu yahay mid mudan in la soo dhaweeyo, wuxuuna caddeeyay in dadaalladaas ay wax ka weyn ka bedeli doonaan xaaladda uu ku sugan yahay dalka Soomaaliya.

Xildhibaanka oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho waxa uu sheegay in shir uu Urur Goboleedka IGAD Nairobi ugu qabanayo Xubnaha Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ku soo beegmayo iyadoo ay dalka Soomaaliya ka jiraan qalalaase siyaasadeed iyo mid ammaan.

“Waan soo dhaweyneynaa shirkaas, waxaana is-leenahay wuxuu ku soo hagaagay waqtigii loo baahnaa waayo dalka Soomaaliya hataan wuxuu ku jiraa dhibaato baaxad leh, waqtigii dowladda federaalkana waa uu sii dhamaanayaa”ayuu yiri Xildhibaan Cali C/llaahi Cosoble.

Sida lagu sheegay war-murtiyeed ay soo saareen Wasiirradda Arrimaha Dibadda Dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD oo dhawaan ku shiray Safaaradda Itoobiya ee Dalka Mareykanka waxaa shirka loo qabanayo Madaxda iyo Xubnaha Hay’adaha Dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka uu ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa mushkiladda ka taagan Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha nabadgelyada iyo siyaasadda.

Waxaa jira warar sheegaya in shirka Nairobi loogu qabanayo Dowladda Federaalka uu ku saabsan yahay sidii madaxda iyo xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya looga dhaadhicin lahaa in la qabto shirweyne lagu soo dhisayo Dowlad ay ka wada qeybgalaan Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia