10/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 25, 2008
Cunto laga sameeyay Dalagyada Dalka ka soo go’a oo lagu soo bandhigay munaasabad lagu xusayay maalinta Cuntada Adduunka


Sabti, October 25, 2008(HOL): Cunto laga sameeyay dalagyada ka soo go’a dalka Soomaaliya iyo weliba kheyraadka kale ee uu Alle ku manneystay Dhulka Soomaaliyeed ayaa lagu soo bandhigay Munaasabad lagu weynayay maalinta Cuntada Adduunka oo ku beegneyd 16-kii bishan balse ay maanta si gaar ah u weyneysay Hay’adda SSWC.

Raashinkan oo laga sameeyay Qalley, Digir iyo Qamadi iyo geed miroodyo kale ayaa waxaa sameeyay Arday ka qalin-jebisay Machadka Horumarinta Haweenka (Women Development Organization), kaasi oo ay maamusho Hay’adda Badbaadinta Dhallaanka iyo Haweenka Soomaaliyeed (Save Somali Women And Children), taasi oo marka magaceeda la soo gaabiyo loogu yeero SSWC.

Raashinkaas laga sameeyay dalagyada dalka ka soo go’a waxaa hareer yaallay qudaar iyadana laga soo guray Beeraha Dalka, taasi oo ay ka mid ahayd, Muuska, Liinta qeybaheeda kala duwan, Qaraha, Ansalaatada, Begelka, Karootada, Koostada, Barbarooniga, Basasha iyo kuwo kale.


Dadkii ka soo qeybgalay bandhiggaas oo isugu jiray rag iyo haween ay tiradooda kor u dhaafeysay 80 ruux ayaa waxay aad ula dhaceen qaabka loo soo habeeyay raashinka oo ka koobnaa galley laga sameeyay Canjeelo, Muufo  iyo Soor iyo Digirta oo dhowr nooc loo kariyay (mar iyadoo wax lagu daray, mar iyada kaligeed, marna iyadoo qaabka fal-falliirka loo kariyay).

Ka qeybgalayaasha qaarkood oo munaasabadda ka hadlay ayaa waxay sheegeen in marka si loo eego ay dadka Soomaaliyeed yihiin dad qani ah oo aaney baahi soo wajahi karin, marka dhinac kale laga eegana ay yihiin kuwo baahan oo ku tiirsan mucaawino dibadda uga timaada.

Macallimiintii wax soo bartay Ardayda Raashinka soo diyaariyay oo iyagana munaasabadda ka hadlay ayaa waxay sheegeen in raashinka laga sameeyo dalagyada dalka ka soo go’a uu yahay midka ugu raqiisan, ugu nafaqada badan, uguna beeqaamis fiican dhaqaalaha qoyska, iyagoo dadka Soomaaliyeedna ugu baaqay in ay isticmaalaan dalagyada dalkooda ka soo go’a, isla markaana ay ka kaaftoomaan cuntooyinka dibada laga keeno.

Ugu dambeyntiina, waxaa munaasabadda ka hadashay Guddoomiyaha Ururka SSWC Hinda Axmed Faarax oo u mahadcelisay Ardaydii iyo macalimiintii suurtageliyay in raashinkaas lagu soo bandhigo munaasabadda maalinta Cuntada Adduunka, iyadoo sidoo kalena mahadcelin taas la mid ah u dirtay ka soo qeybgalayaashii Munaasabadda.





Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia