5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 23, 2008
Maamulka Islaamiga ah ee ka taliya Magaalada Kismaayo oo sheegay in aysan ka hari doonin Ciidamada Itoobiya xitaa haddii ay Dalkooda ku noqdaan

Axad, November 23, 2008(HOL): Maamulka Islaamiga ah ee gacanta ku haya Magaalada Kismaayo ee Xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in wixii ay Ciidamada Itoobiya ka sameeyeen Soomaaliya ay Xoogagga Islaamiyiinta ka sameyn doonaan gudaha Itoobiya.

Guddoomiyaha Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo Shiikh Abuubakar Al-Zeylici oo ka hadlayay xaflad lagu soo gunaanadayay aqoon is-weydaarsi loo qabtay macallimiinta dugsiyada Qur’aanka ee Magaaladaas ayaa sheegay in xitaa haddii ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxaan Soomaaliya aysan ka hari doonin, ayna uga daba tegi doonaan gudaha Itoobiya.

“Ciidamada Itoobiya ugama hareyno dhibaatooyinkii ay dadkeena u geysteen, waana uga daba tegi doonnaa Itoobiya”ayuu yiri Shiikh Abuubakar Al-Zeylici oo sheegay in aaney caqli-gal ahayn in Ciidamada Itoobiya ay dhibaato ka geystaan Magaalooyin ay Muqdisho ka mid tahay, Magaalada Addis Ababana ay nabad ahaato.

Shiikh Abuubakar Al-Zeylici waxaa kale oo uu ka hadlay Ciidamo ay Dowladda Kenya soo dhigtay xadka Soomaaliya iyo Kenya, wuxuuna sheegay in haddii ay Ciidamadaas gudaha u soo galaan Soomaaliya ay la dagaallami doonaan.

“Annagu ma nihin kuwo lagu cabsi geliyo taangiyo iyo diyaarado dagaal, haddii ay gudaha u soo galaan Soomaaliyana jawaab ayay naga heli doonaan hubka ay ciidamadaas wataana gacanta Islaamka ayuu soo geli doonaa”ayuu yiri Shiikh Abuu Bakar Al-Zeylici.

Hadalka uu sii daayay Guddoomiyaha maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Dowladda Itoobiya oo fulineysa Heshiiskii ay Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dibu xoreynta garabka Jibouti  ay qorsheyneyso in ay Ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia