Jimco, May 30, 2008(HOL): Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuley oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu shirkiisa Jaraa’id uga hadlay khilaafka soo kala dhexgalay mas’uuliyiinta sare ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, wuxuuna sheegay in uusan khilaafkaas wax saameyn ah ku lahayn dagaalka ay uga horjeedaan Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya.

Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuley
Afhayeenka waxaa uu sheegay in ay shacabka Soomaaliyeed aad uga xun yihiin khilaafka soo kala dhexgalay Xubnaha Isbaheysiga, isagoo xusay in uu yahay khilaafka u dhaxeeya mid aan ku habooneyn sida uu u yiri xiligan adag ee ay Shacabka Soomaaliyeed ku jiraan.
Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuley waxaa uu intaas kadib ugu baaqay mas’uuliyiinta Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya in ay dhowraan midnimada, khilaafkooda xaliyaan, isla markaana ay joojiyaan wararka khilaafka ah ee warbaahinta loo adeegsanayo.
Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuley oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in khilaafka soo kala dhexgalay mas’uuliyiinta Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya uu yahay mid aan mas’uuliyad ku dhisneyn oo loo adeegsaday Warbaahinta.
Halkan ka dhegeyso Codka Afhayeenka Maxkamadaha
“Sidaas darteed waxaan shacbiga Soomaaliyeed u soo jeedineynaa qodobada soo socda ee kala ah In Hoggaanka Muqaawamada gudaha ay ku taagan yihiin midnimadii lagu ogaa, ayna ugu baaqayaan mas’uuliyiinta is-maan-dhaafka soo kala dhexgalay in ay dhowraan midnimada, xaliyaan-na khilaafkooda, in ay joojiyaan wararka khilaafka ah ee warbaahinta loo adeegsanayo, in khilaafkan uusan wax saameyn ah ku lahayn jihaadka ka socda gudaha dalka, kaasi oo wiiqay Itoobiya, in la saaray guddi culumaa’udiin ah oo shareecada Islaamka hor-dhiga, soona saara xukun sharci ah oo kala saara wixii sax ah iyo wixii qaldan, waxaan eegayaan wada hadallada ay Qaramada Midoobay soo qaban qaabisay ee la doonayo in Ciidamada Itoobiya looga saaro Soomaaliya”ayuu yiri Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuley oo sheegay in ay soo dhaweynayaan dib u heshiisiin dhab ah oo loo qabto qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntiina, Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuley in ay Alle u towbad keenaan, isla markaana ay baryaan si uu uga dul-qaado colaadaha, abaaraha iyo sicir bararka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia