5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 25, 2008
Dad tiradoodu dhan tahay 220 Qof oo Itoobiya ka soo gudbisay Xuduudka u dhaxeeya iyaga iyo Somaliland

Axad, May 25, 2008(HOL): Dad tiradoodu gaadhayso 220 qof, oo qayb ka mid ahi reer Somaliland yihiin, ayaa laga soo gudbiyay Xuduudka u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya, ka dib markii dawladda Itoobiya ay dadkan ka soo qab-qabatay Xuduudka u dhaxeeya Sudan iyo Itoobiya. Halka tiro kale oo badanna la sheegay in la soo wado.

Dadkan oo abbaarro 11:00 subaxnimo ee dorraad lagu soo daadiyay dhinaca Somaliland ee Magaalo-ganacsiga Wajaale, isla markaana la rumaysan yahay inay ahaayeen dad tahriibayaal ah, ayaa 15 qof oo ka mid ahi waxay dhalasho ahaan ka soo jeedaan Somaliland. Kuwaas oo markii hore ka kicitimay Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. Halka 205-ta qof ee kalena ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan Koonfurta Somalia.

Siday xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah oo ku sugan Magaalo-xuduudeedda Tog-Wajaale, dadkan ayaa ilaa hadda marka laba loo qaybiyo, qayb ka mid ahi dib ugu laabatay gudaha dalka Itoobiya. Halka inta hadhayna la sheegay inay qorshaynayaan inay dib ugu laabtaan halkii laga keenay. Taas oo u muuqata inay wali ku talo-jiraan inay sii hayaan jidkii ay ku socdeen.

Inkasta oo ay Masuuliyiinta laanta Socdaalka ee Magaalada Tog-wajaale isku dayeen inaanay qaabilin, oo ay dib u celiyaan dadkan inta aan dhalasho ahaan ka soo jeedin Somaliland, haddana markii ay dadkani dhinaca Somaliland u soo gudbeen, ayay badankoodu noqdeen.

Sidoo kale, ilo-wareedyadani waxay intaa ku dareen in Masuuliyiinta Socdaalka ee dalka Itoobiya ay sheegeen inay soo wadaan tiro kale oo dadkan la mid ah. Kuwaas oo la sheegay inay tiro ahaan ka badan yihiin kuwan.

Xukuumadda Somaliland ayaan ka hadal arrintan oo u aan ahayn tii u horaysay ee nooceeda ah, hase ahaatee isla sanadkan bilowgiisii ayay ahayd markii dad tiradoodu gaadhaysay ilaa 100 qof ay Dawladda Itoobiya ku soo daadisay Magaalada Wajaale, dhinaca Somaliland.

Barqad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland