Ciidamo Faransiis ah oo ka soo degay Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho

Jimco, May 16, 2008(HOL): Ciidamo Faransiiska ah oo ku hubeysan  Taangiyada Badda iyo Berriga ku socda ayaa maanta waxay ka soo degeen Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo ka soo degay Markab uu Faransiiska leeyahay oo Xeebta Muqdisho taagan ayaa markii ay Xeebta Liido soo gaareen waxay kala ceyriyeen dhalinyaro Kubadda Cagta Ciyaareysay, kuwaasi oo u kala cararay Dhinaca Kawaan Bari iyo dhinaca  Dekeddii hore ee Muqdisho.

Mid ka mid ah dhalinyaradii ay Ciidamada Faransiiska ka joojiyeen Ciyaarta ayaa HOL u sheegay in Ciidamada markii ay Xeebta Cagaha soo dhigeen ay nawaaxiga Xeebta ku sameysteen Teendhooyin, iyagoo muddo saacad ah kadibna dib ugu laabtay Markabkii ay ka soo degeen.

Lama oga ilaa iyo haatan sababta ay Ciidamadaas dhulka ugu soo degeen, wuxuuna ka soo degitaankooda Xeebta Muqdisho uu ku soo beegmayaa iyadoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu meel-mariyay qaraar ku saabsan in Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay loo raro Soomaaliya, sidoo kalena uu Golaha ka sii baaraan-dego suurtagalnimada in Ciidamo ka socda Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa loo diro Soomaaliya.

Saaka ayay ahayd markii ay Dadka ku dhaqan Degmooyinka Kaaraan, C/Casiis, Shangaani iyo Xamar-weyne ay arkeen Diyaarado Helicopters ah oo iyagoo joog hoose ku duulayay dul meereysanayay Degmooyinkaas.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Biyaha Soomaaliya ayaa waxay yihiin kuwo aaney cidina koontaroolin oo ay iska soo galaan Maraakiib Kaluumeysi oo sharci darro ku socda iyo kuwo wada Sun halis ah oo ay iska soo fogeeyeen Dalalka horay u maray ee leh Warshadaha.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia