11/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 23, 2008
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo uu shir uga soconayo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde

Axad, March 23, 2008(HOL): Waxaa haatan shir uu uga socdaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo xubno ka socda Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye.
 
Kulankan oo ah mid ay Albaabada u xiran yihiin, isla markaana saxaafadda loo diiday ayaa wuxuu ka socdaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana kulankaas ka qeybgelaya Xubno ka socda Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, kuwaasi oo uu horkacayo guddoomiyahooda Maxamed Xasan Xaad.
 
Kulankan dhexmaraya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde uu amar ku bixiyay in Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye la siiyo xoriyaddooda dhaqdhaqaaqa, si buu yiri ay uga qeybqaataan dadaallada dib u heshiisiinta iyo nabadeynta ah ee ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waa kulankii ugu horeeyay oo dhexmara Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Cadde iyo Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, inkastoo xubno ka tirsan Golahan ay kulan ula yeesheen Ra’iisal Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Prof. Cali Maxamed Geeddi.

Kulanka oo weli soconaya wixii ka soo baxa kala soco Hiiraan Online hadii Alle idmo.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia