11/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 23, 2008
Dad lagu dilay Deegaan ka tirsan Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Axad, March 23, 2008(HOL): Dad tiradooda gaareyso afar Ruux ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa lagu dilay deegaanka Maguurto oo ka tirsan Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, tiro kale oo dad ahna dhaawac ayaa soo gaaray.
 
Dadkani la dilay iyo kuwa la dhaawacay ayaa la sheegay in ay haayeen dad xoolo dhaqato ah oo ku sheekeysanayay deegaanka la dilay, iyadoo ilaa iyo haatanna aan la ogeyn ciddii dilkooda ka dambeysay.

Dadkii falkaas ku dhaawacmay ayaa dhaawacooda waxaa loola soo cararay Isbitaalka Degmada Jowhar, halkaasi oo haatan dhaawacooda lagu dabiibayo, halka dadkii geeriyoodayna la qaban qaabinayo aaskooda.

Dhawaanahan ayaa inta u dhaxeysa Magaalooyinka Mahadaay iyo Jowhar waxaa ku soo kordhayay falal dilal ah oo lagula kaco dadka safarka ah ee wadadaas isticmaala iyo weliba kuwa degan, iyadoo ilaa iyo haatanna uusan arrintaas waxba ka qaban maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe oo uu hoos yimaado deegaannada ay falalkaas nabadgelyo darrada ah ka dhacayaan.

Jimcadii aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii labo Ruux lagu dilay Deegaanka Doon-Bannaan oo u dhaxeeya Degmooyinka Mahadaay iyo Jowhar, iyadoo dadka la dilayna ay ahaayeen Dad la socday gaari Safar ah oo ka tegay Degmada Jowhar, isla markaana ku sii jeeday Deegaano kale oo ka tirsan Gobolka.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ciidamo ka amar qaata Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa haatan lagu soo waramayaa in ay u baxeen dhinaca Degmada Mahadaay, iyagoo dabagal ku sameynaya ciddii ka dambeysay falkii dhimashada iyo dhaawaca sababay ee xalay ka dhacay Deegaanka Maguurto ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia