Isgoyska Howl-Wadaag oo maalintii labaad ay si nabadgelyo ah u isticmaalayaan Dadka iyo Gaadiidka u socda Suuqa Bakaaraha
Axad, March 23, 2008(HOL): Waxaa maalintii labaad furan oo ay dadka iyo gaadiidka iyo gaadiidka si caadi ah u marayaan Isgoyska Howl-Wadaag ee magaalada Muqdisho oo in muddo ah u xirnaa Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Isgoyskan oo ahaa mid ay maalin walba ku dagaalami jireen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda ayaa haatan wuxuu yahay mid aaney wax ciidamo ah joogin.
Dadka u shaqo taga Suuqa Bakaaraha iyo weliba kuwa wax ka soo iibsada ayaa si weyn u soo dhaweeyay furnaashaha Isgoyskan oo muhiim u ah dhaqdhaqaaqa ganacsi ee Suuqa Bakaaraha.
Sidoo kalena, waxaa furnaashaha Isgoyskan soo dhaweeyay Darawaliinta gaadiidka BLka iyo kuwa Xamuulka, kuwaasi oo intii uusan furmin Isgoyskan isticmaali jiray Waddooyin qardo jeex ah oo xaafadaha dhexdooda ah, kuwaasi oo ay dhibaato ku qabi jireen.
Saaka ayaa markii ugu horeysay muddo labo bilood ah waxaa la arkayay Gaadiid Xamuul ah oo ka yimid dhinaca Dekedda Muqdisho, isla markaana sii gelayay Suuqa Bakaaraha, waxayna taasi rajo weyn ku abuurtay ganacsatada Suuqaas oo ay ku adkeyd in ay Suuqa geystaan Badeecooyinka ay ka soo degsadaan Dekedda.
Laakin waxaa weli xayiran dhaqdhaqaaqii dadka iyo ganacsiga ee Wadada Labaad ee Suuqa Bakaaraha, taasi oo ay Rasaas ku ridayaan Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ku sugan Isgoyska Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xaaladda Suuqa Bakaaraha ayaa maanta maalintii labaad waxay tahay mid degan oo aysan wax iska hor-imaadyo ah ka socon, waxaana si caadi ah u socda dhaqdhaqaaqii dadka iyo ganacsiga, kuwaasi oo maalmihii aynu ka soo gudbnay sii yaraanayay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia