11/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 23, 2008
Ururadda Bulshadda Rayidka Gobalka Hiiraan oo bilaabay dhaq-dhaqaaqyo wax loogu qabanayo Dadka abaaruhu ku dhufteen ee ku dhaqan qeybo ka mid ah Gobaladda Dhexe
Axad, 23, Mar, 2008 (HOL)  Gurmad wax loogu qabanayo dadka Abaaruhu ku dhufteen ku dhaqan qeybo badan oo ka tirsan Gobalka dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka bilaabay Gobalka Hiiraan Ururadda Bulshadda rayidka ah oo kaa shaqanaya qaar ka mid ah Hay'addaha Samafalka ka howl-gala Gobaladda Bartamaha Soomaaliya.
 
Ururadan oo kulan ku yeeshay Magaaladda Beledweyne ee Xaruta Gobalka ayaa warbixino ku saabsan heerka Abaarta ka jirta Gobaladda dhexe gaar ahaan Gobalka Hiiraan iyo Gal-gaduud waxaa ay ka dhageysteen Guddi dhawaan loo saaray in ay soo qiimeeyaan dhibaatadda Abaarta kuwaa oo soo maray qeybo ka mid ah goobaha ugu daran ee dadku ku tabaaleysan yahay.
 
Warbixinta ka dib ayaa halkaa waxaa hadalo kooban ka jeediyay Xubno ka tirsan Ururadda Bulshadda Rayidka oo sheegay in xaaladda hadda taagan aysan aheyn mid lala suggi karo gacan heer caalami ah sidaa daraadeed loo baahan yahay in sidda ugu dhaqsiyaha badan wax loogga qabto, gaar ahaan waxaa ay farta ku fiiqeeyn Biyaha oo la oran karo waa dhibatadda ugu daran ee ka jirta dhulka ay ku dhaqan yihiin dadka reer Miigga ah.
 
Gudoomiyaha Ururadda ku howlan wax u qabashadda dadka Aqbaarutu sameysay C/risaaq Yuusuf oo u warmayay HOL ayaa sheegay in dhawaan Biyo dhaamis ka bilaabi doonaan Deegaano ka tirsan Gobaladda Hiiraan iyo Gal-gaduud oo meelaha qaar ay jabeen Ceelashii Biyaha laga heli jiray, waxaana uu intaa raaciyay in qaar ka mid ah Hay'addaha Samafalku balan qaadeen in ay gacan ka geystaan dadaalka lagu samata bixinayo dadka Abaartu sameysay.
 
Ururadda iska kaashanaya howl-galka loogu gurmanayo deeganadda Abaartu ku dhufatay ayaa waxaa ka mid ah Ururka Haweenka Israac, Hapo-child,Beydo, Zowddo, iyo waliba Hiwa, oo dhamaatood ka howl-gala Gobalka Hiraan waxaana gacan taageero siinaya sidda la sheegay Hay'addo ay ka mid yihiin  Unicef iyo waliba Save The Childaren.
 
Marka laga soo taggo Sicir bararka daran ee ka jirra dalka Soomaaliya sidoo kale waxaa ka taagan Gobalo badan oo ka tirsan Koofurta iyo Bartamaha Abaar sababtay in meelaha qaar dadku ka bilaabo barakac kadib markii ay waayeen Biyo Baad doona Sidda Gobalka Hiiraan oo Magaaladda Beledweyne ay soo gaareen dad iyaggu ka soo bara baxay Dhulka Miiga ah oo ay abaartu ku haleeshay.
 
Waxaana hubaal ah in Gurmadka iyo dhaq-dhaqaaqyadda hadda la waddo yihiin kuwo ugu yaraan Rajo galin kara inta yar ee ku sii harsan Deegaanadda Abaaruhu Saameeyeen, Inkastoo dhanka kale xaaladu aheyn mid looga samata bixi karo Biyo dhaamis iyo wax la mid ah ilaa laga helo Raxmadda Eebe.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia