Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo guddoomiye doortay
Axad, 23 March 2008 (HOL)- Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa fadhi ay maanta yeesheen ku doortay guddoomiyahooda cusub, kadib markii uu iscasiley Guddoomiyihii hore ee Komishanka, Mr. Maxamed Yuusuf Axmed.
ix xubnood oo ka mid ah Toddobada xubnood ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen xarunta Komishanka kaga dhawaaqay inay Guddoomiyaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka u doorteen Maxamed Ismaaciil Maxamed (Kaba-weyne) oo ka mid Saddexdii xubnood ee Madaxweyne Riyaale soo xulay.
Xubinta ka maqan Komishanka oo Toddoba xubnood ah ayaa shaqada laga joojiyey laba toddobaad muddo hadda laga joogo, kadib markii khilaaf soo dhexgalay isaga iyo xubnaha kale ee Komishanka.
Shirkaa jaraa’id waxa ugu horrayn ka hadlay guddoomiyaha cusub ee loo doortay Komishanka, Mr. Maxamed Ismaaciil oo sheegay in markii Guddoomiyaha Komishanku, Mr. Maxamed Yuusuf uu iska casiley xilkaa sabab caafimaad darteed ay lagama maarmaan noqotay in Komishanku uu doortay guddoomiye, isla markaana xubnaha kale ee Komishanku ay u garteen inuu u noqdo guddoomiye.
Mr. Maxamed Ismaaciil, waxa uu u mahadnaqay xubnaha kale ee Komishanka, waxana uu Illaahay ka baryey in Illaah u fududeeyo xilka culus ee loo magacaabay.
Guddoomiyihii hore ee Komishanka, Maxamed Yuusuf oo isaguna shirkaa jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in sababta uu isaga casiley xilka ay tahay sabab caafimaad oo keliya, isla markaana uu doonayo inuu caafimaad dibadda ugu baxo, kuna maqnaan doono muddo ilaa 2 bilood ah.
Waxana uu beeniyey inuu jiro wax khilaaf ah oo u dhexeeya 6da xubnood ee Komishanka, waxana uu tilmaamay in sida wadajirka ah ee ay u doorteen guddoomiyahooda cusub ay muujinayso in aanu jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya xubnaha Komishanku.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.