Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia oo ka hadlay Sicir bararka ka taagan Soomaaliya
Axad, March 23, 2008(HOL): Qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ee fadhigoodu yahay Magaalada Baydhabo ayaa waxay ka hadleen sicir bararka ka taagan Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Xildhibaannadan oo ay ka mid ahaayeen Xaawo Cabdullaahi Qayaad iyo Caasho C/llaahi Ciise ayaa waxay sheegeen in sicir bararka jira ay mas’uul ka yihiin ganacsatada Soomaaliyeed oo Dadka isugu daray in ay lacago been abuur ah u soo sameysteen, isla markaana ay ku qaaliyeeyeen wax kasta oo ay ganacsi ahaan u keensadaan.
Xildhibaanad Xaawo C/llaahi Qayaad ayaa waxay sheegtay in intii ka soo hartay Dadkii Muqdisho ka barakacay ay ganacsato dhiig miirato ku qaaliyeeyeen waxyaabaha aas-aasiga u ah nolosha aadanaha, waxayna ka codsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ganacsatada tallaabo ka qaado, isla markaana ay ka joojiso waxyaabaha ay dibadda u dhoofiyaan ee looga baahan yahay dalka Soomaaliya.
Sidoo kalena, Xildhibaanad Caasho C/llaahi Ciise ayaa ugu baaqday Ganacsatada Soomaaliyeed in ay u naxariistaan dadka shacabka ah ee markii hore dhibaatada ku qabay dagaallada ka dhacaya Magaalada Muqdisho.
Todobaadkii hore dabayaaqadiisii ayay ahayd markii guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa uu isna ganacsatda ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan sicir bararka ka jira Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, inkastoo uu sheegay in ay jiraan Ganacsato xilkas ah oo nadiif ah u ganacsata.
Laakin Guddoomiyaha Ganacsatada Gobolka Banaadir Maxamuud C/kariin Gabeyre ayaa oo eedeyntaas wax laga weydiiyay ayaa wuxuu sheegay in sicir bararka uu ka taagan yahay Suuqyada Caalamka ee ay wax ka soo iibsadaan, isal markaana aysan iyagu keenin sicir bararka, wuxuuna sheegay in ay sidoo kale yaraadeen ganacsatadii badeecooyinka keeni jiray ee uu tartanka u dhaxeeyay, kuwaasi oo uu qaarkood sheegay in ay dalka uga baxeen sababo nabadgelyo darro aawadood.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia