11/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 22, 2008
Suuqa Bakaaraha oo loo sameeyay Ciidamo gaar ah oo Ammaankiisa sugaya

Sabti, March 22, 2008(HOL):  Waxaa maanta markii ugu horeysay Gudaha Suuqa Bakaaraha lagu arkay Ciidamo wata Labis isku mid ah oo sugaya Ammaanka Suuqa Bakaaraha oo muddooyinkan sii xumaanayay.

Ciidamadan oo ku labista Surwaal Madow iyo Shaar Jaalle ah ayaa waxay ku howlgelayaan magaca Ciidamada Ammaanka ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo la sheegayo inay Ciidamadan sameeyeen Ganacsatada Gobolka Banaadir.

Ciidamadan ayay wararku sheegayaan in ay yihiin kuwo ay soo qaabeeyeen Ganacsatada Gobolka Banaadir, kuwaasi oo maalmahan shirar ka lahaa sida laga yeelayo Ammaanka Suuqa Bakaaraha, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay Ganacsatadu sidoo kale shirar la qaateen Guddiga Ammaanka Qaranka.

Ilaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ganacsatada Gobolka Banaadir  oo ku saabsan Ciidamadan cusub ee lagu arkay Suuqa Bakaaraha, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo sheegaya in ay sameynta Ciidmadan wax ka ogtahay.

Soo shaac bixitaanka Ciidamadan ayaa wuxuu ku soo hagaagayaa iyadoo saaka uu furnaa Isgoyska Howl-Wadaag ee Magaalada Muqdisho oo muhiim u ah kala socoshada ganacsiga Suuqa, iyadoo xaaladda Suuqana ay maanta ahayd mid degan.

Ciidamadan ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo sheegay in Ciidamadan ay wax weyn ka bedeli doonaan amni darradii muddooyinkan ka jirtay Suuqa Bakaaraha, sidoo kalena ay Dadka Ganacsatada ah iyo kuwa Suuqa wax ka soo iibsada ay heli doonaan jawi degan oo ay wax ku kala iibsadaan.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa muddo bilooyin ah waxaa uu ahaa mid ay xaaladdiisa cakiran tahay kadib markii ay gudaha Suuqa ku dagaalameen dhowr jeer Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia