11/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 22, 2008
Guddoomiye ku xigeenkii Degmada Waaberi iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsanaa degmadaas oo is-casilay

Sabti, March 22, 2008(HOL):  Waxaa maanta is-casilay Afar mas’uul oo ka tirsanaa Maamulka Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, kuwaasi oo sababta ay isu casileen ku sheegay in ay la xiriirto cabsi la soo deristay iyo weliba culeysyo uga yimid dhinaca Ehelladooda.

Afarta mas’uul ee  is-casishay ayaa waxay kala yihiin Guddoomiye ku xigeenkii Arrimaha Bulshada Degmada Waaber Siciid Maxamed Fiqi, Guddoomiyihii Waaxda Hanti-Wadaag ee Degmada Jimcaale Culusow Axmed, Guddoomiyihii Laanta Halgan ee Waaxda Horseed ee Degmada Abuukar Shiikh Xasan iyo Guddoomiyihii Laanta Adari ee Waaxda Horseed Cali Xasan Ibraahim.

Shir Jaraa’id oo ay raggan ku qabteen Magaalada Muqdisho ayaa waxay si isku mid ah ugu sheegeen inay go’aanka is-casilaadda ah qaateen kadib markii ay soo gaareen Hanjabaado uga yimid dhinaca Kooxo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay sheegeen in ay ugu goodiyeen in ay dili doonaan haddii aaney isaga bixin maamulka Degmada Waaberi ee ay ka tirsan yihiin.

Is-casilaadda ay ku dhawaaqeen Mas’uuliyiintan ka tirsanaa Maamulka Degmada Waaberi ayaa waxay timid kadib markii shalay gudaha Degmadaas lagu dilay Xoghayihii Degmada Waaberi Cusmaan Nuur Abiikar , kaasi oo ay Rag Bastoolado ku hubeysan toogteen xili uu ka soo baxay Masjid uu ku soo tukaday Salaaddii Jimcaha.

Ma ahan Mas’uuliyiintii ugu horeysay oo iska casila maamullada Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana horay u jiray Guddoomiye ku xigeenno, guddoomiye Waaxeedyo iyo Guddoomiye Laameedyo iska casilay Degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo sababta ay isu casileen ku sheegay in ay naftooda u baqeen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia