Banaanbax lagu taageerayay Dib u heshiisiinta ay ku baaqday Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo Muqdisho ka dhacay
Sabti, March 22, 2008(HOL): Banaanbax lagu taageerayay Dib u heshiisiinta uu ku baaqay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Garoonka Kubadda Cagta Conis Stadium ee Magaalada Muqdisho.
Banaanbaxan oo uu soo qabanqaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Muuse Nuur Amiin, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Dheere iyo saraakiil ka socotay Talisyada Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dadkii isugu soo baxay Garoonka Kubadda Cagta Conis Stadium ayaa waxaa la hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Amiin, kaasi oo sheegay in banaanbaxan uu yahay mid lagu taageerayo Dib u heshiisiinta ay waddo Xukuumadda uu ka tirsan yahay, wuxuuna intaas ku daray in loo baahan yahay in ay Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ka soo horjeeda ay wada hadlaan, bacdamaa sida uu yiri aan la xaqiri karin Mucaaradka ay Dowladda leedahay.
Muuse Nuur Amiin, Wasiir Arrimaha Gudaha iyo Amniga waxaa uu ugu baaqay dhinacyda ka soo horjeeda Dowladda Federaalka in ay Dib u heshiisiinta wax ka qaataan, isla markaana ay miiska wada hadalka la yimaadaan waxyaabaha ay tabanayaan, isagoo dhinaca kalena ku baaqay in ay dadka ka barakacay Magaalada Muqdisho ee ku sugan Duleedyada Muqdisho ay dib ugu soo noqdaan guryahooda.
Sidoo kalena, waxaa Dadkii isugu soo baxay Conis Stadium la hadlay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tallaabooyin dhowr ah u qaaday dhinaca Dib u heshiisiinta, wuxuuna si gaar ah u soo qaatay in ay Dowladda xoriyad siiyay sida uu u yiri Dad Kotorobaan ahaa oo ka baqayay in la qabto, sidoo kalena ay xabsiyo ka deysay dad badan oo Dowladda u xirnaa, wuxuuna intaas ku daray in iyana looga baahan yahay dhinacyda Dowladda ka soo horjeeda in ay la qaataan Dib u heshiisiinta ay ku baaqday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Banaanbaxan ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Cadde uu dhawaan mar kale ku celiyay in ay Xukuumaddiisa la hadleyso cid kasta oo ka soo horjeeda, meel kastana ay kula kulmeyso, ay dhinacyada ka soo horjeeda Dowladda ay wada hadallada ku xirayaan shuruud ah in ay marka hore dalka Soomaaliya ka baxaan Ciidamada Itoobiya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia