11/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 22, 2008
Kulan uu yeelan lahaa Baarlamaanka Soomaaliya oo markii labaad maanta u baaqday Xildhibaanadii oo soo wada xaadiri waayay

Sabti, March 22, 2008(HOL):  Waxaa maanta markii labaad baaqday Kulan uu magaalada Baydhabo ku yeelan lahaa Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo sababta uu kulankaas u baaqdayna ay ahayd iyadoo ay soo wada xaadiri waayeen Mudanayaashii ka qeybgeli lahaa.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe oo la hadlayay Mudanayaashii soo xaadiray ayaa wuxuu sheegay in markii labaad dib loo dhigayo fadhi uu yeelan lahaa Baarlamaanka Soomaaliya sabab la xiriirta Kooramka ay kulamada ku furmi karaan oo aan la helin.

Shiikh Aadan Madoobe oo sii hadlayay waxaa uu ku goodiyay in Xildhibaankii soo xaadiri waaya Fadhiyada Baarlamaanka iyadoo aysan jirin Shaqo uu ku maqan yahay in laga jari doono Gunnada ay Xildhibaannada qaataan, isagoo Xogheynta iyo Nidaamiyayaasha Baarlamaankana faray in ay u soo gudbiyaan Xildhibaannada shaqada ku maqan iyo kuwa iskood isaga maqnaaday.

Shiikh Aadan Madoobe ayaa dhawaan ka hor sheegay Xildhibaannada Baarlamaanka in uu iska casilayo Xilka Guddoomiyenimo ee Baarlamaanka haddii ay Mudanayaasha Baarlamaanka wax ka bedeli waayaan qaab dhaqankooda.

“Haddii la dhowri waayo Shuruucda iyo Xeer Hoosaadka u degsan Baarlamaanka Soomaaliya waan iska casili doonaa Xilka Guddoomiyenimada Baarlamaanka, waayo aniga awood gaar ah oo aan leeyahay ma jirto oo aan ka ahayn in aan guddoomiyo go’aannada ay Xildhibaannada Baarlamaanka gaaraan”ayuu yiri Shiikh Aadan Madoobe.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii uu baaqday kulan la doonayay in uu Baarlamaanka Soomaaliya uga hadlo howlo horyaala, iyadoo sidoo kalena uu kulankaas u baaqday Kooramka oo buuxsami waayay.

Ugu dambeyntiina, Xildhibaannada Baarlamaanka oo ka kooban 275 Mudane ayaa waxaa lagu eedeeyaa in aysan wax la taaban karo ka qaban dhibaatada ka taagan Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, isla markaana indhaha uun ka eegta dhibaatooyinka dhacaya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia