Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Muqdisho ku laabtay kadib markii uu socdaallo ku soo kala bixiyay Dalalka Senegal iyo Uganda
Sabti, March 22, 2008(HOL): Waxaa saaka dib ugu soo laabtay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayay oo dalka Dibadda uga maqnaa.
Wafdiga madaxweynaha ayaa intii aysan ka soo degin Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa si weyn loo adkeeyay Ammaanka Wadada ka soo baxda Garoonka Diyaaradaha ee u kacda dhinaca Xarunta Villa Somalia, iyadoo waddooyinkaasna lagu arkayay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo dadka iyo gaadiidka ka celinayay in ay Wadadaas isticmaalaan.
Madaxweyne C/llaahi ayaa wuxuu Dalka Senegal uga soo qeybgalay shir ay halkaas ku lahaayeen madaxda Wadamada Islaamka, kaasi oo gunaanadkiisii laga soo saaray go’aanno ku saabsan in wax laga qabto xaaladda dalka Soomaaliya, isla markaana laga kaalmeeyo dhinacyada dib u dhiska iyo soo celinta Ammaanka.
Sidoo kalena, Madaxweynaha waxaa uu Dalka Uganda kulamo kula soo qaatay Madax Afrikaan ah oo Dalkaas u tegay sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen in ay ka qeybgalaan Munaasabad uu Masjid weyn kaga furayay magaalada Kampala Madaxweynaha Liibiya Col. Mucamar Al-Qadaafi iyo weliba xus magaalada Kampala loogu sameeyay dhalashadii Nabigeena Muxamad N.N.K.H.
Dib ugu soo noqoshada Magaalada Muqdisho ee Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo todobaadkii tegay ay dagaallo ka dhacayeen dagaallo xooggan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliiya iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo dagaalladaasina fariisimo looga qabsaday Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia