11/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 22, 2008
SHIIKH C/RAXIIN CALI MUUDEY: “Nuur Cadde haddii ay dhab ka tahay Dib u heshiisiinta uu ku baaqay waxaa laga rabaa in uu keeno jawi ay Ciidamada Itoobiya Dalka uga baxaan oo lagu wada hadli karo”

Sabti, March 22, 2008(HOL): Xoghayaha Warfaafinta Maxkamadihii Islaamka Shiikh C/raxiin Cali Muudey ayaa wuxuu ka hadlay dib u heshiisiinta uu ku baaqay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).
 
Shiikh C/raxiin waxaa uu sheegay in haddii Ra’iisal Wasaaraha ay ka dhab tahay dib u heshiisiinta in marka hore looga baahan yahay in uu ka shaqeeyo jawi lagu wada hadli karo, isla markaana uu Ciidamada Itoobiyaanka ka saaro dalka Soomaaliya, “Nuur Cadde haddii ay dhab ka tahay Dib u heshiisiinta uu ku baaqay waxaa laga rabaa in uu keeno jawi ay Ciidamada Itoobiya Dalka uga baxaan oo lagu wada hadli karo” ayuu yiri Shiikh C/raxiin Cali Muudeey.

Waxaa uu ka hadlay meesha ay ku wada hadli karaan dhinacyda Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ka soo horjeeda, wuxuuna sheegay in ay jiraan Gobollo ka tirsan Dalka Soomaaliya oo lagu wada hadli karo ama xitaa Dalka Jabuuti oo kale.

“Haddii uu is-leeyahay marka ay Ciidamada Itoobiyaanka baxaan ayaa ammaankaaga damaanad qaadaya, waxaan leenahay  annaga ayaa ballanqaadeyna in aan wax dhibaato ah laguu geysan”ayuu mar kale yiri Shiikh C/raxiin Cali Muudeey oo u waramayay Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho.

Shiikh C/raxiin Cali Muudey waxaa uu sheegay in haddii aan la helin jawi ay Ciidamada Itoobiyaanka uga baxaan Soomaaliya in aaney dib u heshiisiin suurtagal ahayn.

Hadalka uu sii daayay Shiikh C/raxiin Cali Muudey ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan uu Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ku celiyay in Xukuumaddiisa ay wada hadal la geleyso Mucaaradka ka soo horjeeda, inkastoo ay jiraan mas’uuliyiin ka tirsana Makamadihii Islaamka oo sheegay in aaney wax wada hadal la geleynin Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Maxkamadihii Islaamka ayaa Soomaaliya waxay ka talinayeen muddo 6 bilood ah kadib markii ay si dhib yar uga adkaadeen Hoggaamiye Kooxeedyo muddo dheer ku loolamayay gacan ku heynta Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia