11/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 22, 2008
Isgoyska Howl-Wadaag oo maanta ay Dadka si caadi u marayaan kadib markii ay halkaas ka baxeen Ciidamo ku sugnaa

Sabti, March 22, 2008(HOL): Isgoyska Howl-Wadaag oo in muddo ah ay ku sugnaayeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka waxaa si caadi ah u maraya dadka u shaqo taga Suuqa Bakaaraha iyo kuwa wax ka soo iibsanaya.
 
Isgoyskan oo ay in muddo ah ku sugnaayeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u furmay shalay gelinkii dambe kadib markii ay halkaas isaga baxeen Ciidamadii joogay, kuwaasi oo u dhaqaaqay dhinaca Isgoyska Aadan Cadde iyo Xaafadda Geed Jaceyl ee ka tirsan Wadada Wadnaha.

Dadka ka ganacsatda Suuqa Bakaaraha oo markii hore Suuqa ka soo geli jiray Waddooyin Qardo-jeex ah ayaa saaka waxay si weyn ugu faraxsanaayeen in ay si xor ah u maraan Isgoyska Howl Wadaag oo maristiisa ay muddo hore ugu dambeysay.

Sidoo kale waxaa saaka dib u soo laabtay Dhaqdhaqaaqii Dadka iyo Ganacsiga ee Wadada Koowaad taasi oo uu xirmay ganacsigii ka socday intii ay Ciidamada joogeen Isgoyska Howl-Wadaag, mana jirin saaka wax rasaas ah oo Wadadaas ka dhacayay sidii maalmo hore dhici jirtay oo kale.

Laakin waxaa weli xayiran dhaqdhaqaaqii dadka iyo ganacsiga ee Wadada Labaad ee Suuqa Bakaaraha, taasi oo ay Rasaas ku ridayaan Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ku sugan Isgoyska Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xaaladda Suuqa Bakaaraha ayaa maanta waxay tahay mid degan oo aysan wax iska hor-imaadyo ah ka socon, waxaana si caadi ah u socda dhaqdhaqaaqii dadka iyo ganacsiga, kuwaasi oo maalmihii aynu ka soo gudbnay sii yaraanayay.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia