11/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 22, 2008
Muran ka dhashay Lagac ay la wareegeen Ciidamadda Maamulka Gobalka Hiiraan oo ka taagan Magaalada Beledweyne
Sabti, March 22, 2008(HOL):  Waxaa jira muran iyo Is qab qabsi ka dhashay lacag shilin Soomaali ah oo maalintii shalay ay la wareegeen Ciidamada Maamulka Gobalka Hiiraan kadib markii dhawaan Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan uu sheegay in aan loo oglaan doonin ganacsatadu in ay soo galiyaa Gobalka Lacagta shilinka Soomaaligga ah.
 
Ganacsatada laheyn lacagtii maalintii shalay ay qabteen Ciidamadda Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa sheegay in ay u arkaan dhac loo geystay hantidooda mar hadii sidda ay hadalka u dhigeen aysan aheyn lacagta la qatay lacagta (Faasadda ah ) ama aan socon, waxaana ay intaa ku dareen in arintaa ay kala hadleen dhinaca maamulka lakiin uu ku gacan seyray.
 
Mid ka mid ah Ganacsatadda oo u warmayay HOL ayaa sheegay in Lacagta Maalintii shalay la qabtay aheyd mid la doonayay in Xoolo lagu iibiyo lakiin macneyheedu uusan aheyn in lagu raadinayay Doolar, waxaana uu intaa ku daray in wareegtadda ka soo baxday Maamulka Gobalka aysan ka warqabin madaama ay xiligaa ku sugnaayeen Magaaladda Boosaaso ee is Maamul Gobaleedka Puntland.
 
Waxaa uu intaa ku daray in xitaa arinta ay la socdsiiyeen Saraakiisha Ciidamadda Itoobiya ee jooga Magaaladda Beledweyne kuwaa oo nagu wargaliyay ayuu yiri in arinta ay gali doonaan,  lakiin Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan oo ay HOL wax ka weydiisay Cabashadda Ganacsatadda ayaa sheegay in lacagta la qabtay tahay mid aan socon oo (Faalso ah) taa oo si badisya muranka labadda dhinac.
 
Maamulka Gobalka Hiiraan waxaa kaloo uu ku eedeyay Ganacsatadda in lacata Shilika Soomaaliga ah looga soo dhiibo Maamul gobaleedka Puntland si markaa Doolar loogu raadiyo, waxaana uu maamulku intaa ku daray in sababta keentay in Doolarku cirku isku shareero tahay lacagaha aan xisaabta laheyn ee la soo galinayo Gobalka.
 
Lacagta Maalintii shalay la qabtay oo dhan 450,000,000 oo Sh, So, una dhiganta 20,000 oo Doolarka Mareykanka ayaa la ogeyn sidda maamulku ka yeeli doono, madaama Gudoomiyaha Gobalku sheegay in uusan dib celin doonin lagacta maalintii shalay la qabtay.
 
Ciidamadda Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa dhanka kale wali wadda baritaano ay ku sameynayaan gadiidka soo gala Gudaha Gobalka Hiiraan si bal looga hortago lacagaha soo gala Magaaladda Beledweyne, balse taa waxaad moodaa in ganacsataddu aysan raali ka aheyn iyagga oo kuu sheegaya in sicir bararku ka jiro guud ahaan dalka Soomaaliya sidaa daraadeed lacag laga dhax qabto Magaaladda Beledweyne aysan wax micno ah sameyn doonin.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Onlin
[email protected]
Beledweyn, Somalia