DR. CILMI AXMED DUCAALE: “Waa Arrin laga xumaado in UN-ka uu shuruud ku xiro Ciidamo uu u diro Soomaaliya, iyadoo uu shuruud la’aan Ciidamo u diro Dalal kale”
|
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Dr. Cilmi Axmed Ducaale |
Jimco, March 21, 2008(HOL): Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Dr. Cilmi Axmed Ducaale ayaa sheegay in ay wax laga xumaado tahay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu shuruud ku xiro Ciidamo uu u diro Soomaaliya, “Waa Arrin laga xumaado in UN-ka uu shuruud ku xiro Ciidamo uu u diro Soomaaliya, iyadoo uu shuruud la’aan Ciidamo u diro Dalal kale” ayuu yiri Danjire Cilmi Axmed Ducaale.
Danjire Ducaale oo u waramayay Barnaamijka Network Africa ee ka baxa Idaacadda BBC-da ayaa sheegay in shuruudda ku xiran Ciidamada uu UN-ka u dirayo Soomaaliya ay tahay mid aan fuli kareynin, iyadoo ay shuruuddaas tahay in ay marka hore heshiis gaaraan dhinacyda isku haya Soomaaliya, “Haddiiba ay heshiis gaari karaan dhinacyada isku haya Soomaaliya maba loo baahdeen Ciidamo Nabad ilaaliyayaal ah, dhibaatada Soomaaliya ka jirtana ma soo gaarteen heerka ay maanta taagan tahay”ayuu yiri Danjire Cilmi Axmed Ducaale.
Dr. Cilmi Axmed Ducaale oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in mushkiladda hadda taagan ay tahay iyadoo ay Qaramada Midoobay leedahay Soomaaliya nabad kama jirto, suurtagalna ma ahan in Ciidamo loo diro Soomaaliya, “Shuruuddan ka imaaneysa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waa mid aan macquul ahayn, wuxuuna UN-ka Ciidamo u diraa Dalal aaney Nabad ka jirin, kuwaasi oo aysan dhinacyada isku haya gaarin wax heshiis ah”ayuu yiri Dr. Cilmi Axmed Ducaale.
Hadalka Danjire Cilmi Axmed Ducaale ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xalay uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu shir ka yeeshay Ciidamo loo diro Soomaaliya, iyadoo Danjirayaasha UN-ka u fadhiya Dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska ay sheegeen in Ciidamo loo diro Soomaaliya ay ka horeyso in ay marka hore heshiiyaan dhinacyada ku dagaalamaya Soomaaliya.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii aynu ka soo gudubnay wuxuu mudada ay Soomaaliya joogayaan u kordhiyay Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo muddo lix bilood ah loogu daray xiliga ay Soomaaliya joogayaan.
Ugu dambeyntiina, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa ilaa haatan waxaa ku sugan Ciidamo ka socda Dowladaha Uganda iyo Burundi, kuwaasi oo marka tiradooda la isku daro ay noqoneyso 1,992 askari oo howsha ay qabanayaan ay ku kooban tahay sugidda ammaanka Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Xarunta Madaxtooyada iyo Isgoyska KM4 oo muhiim u ah dhaqdhaqaaqa Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia