11/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 21, 2008
Dad u barakacay Duleedka Waqooyi ee Magaalada Muqdisho oo markii ugu horeysay Deeq Lacageed la gaarsiiyay


Jimco, March 21, 2008(HOL): Illaa 600 Qoys oo ka mid ah dadka ku barakacay duleedka Waqooyi ee Magaaladda Muqdisho, gaar ahaan xerooyinka ku yaala inta u dhaxeysa Deegaanada Galgalato, Sheekh Cali Cabdule iyo Sarta Habar Gaallo ayaa shalay loo qeybiyay lacag deeq ah oo gaareysa 2400 doolar oo ay soo dhiibeen Jaaliyada Beesha Muddulood  ee ku dhaqan Waqooyiga London ee Carriga Ingiriiska.

Qoysaskaasi oo ka soo barakacay qeybo ka mid Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ayay deeqdaasi lacageed u aheyd tii ugu horeysay ee soo gaarta iyadoo  Noloshooduna ay tahay mid aad u hooseysa waxayna qaar ka mid ah xubnaha qoysaskaasi halkaasi ugu geeriyoodeen gaajo darted, sida ay ku warbixiyeen odayaasha xerooyinkaasi kuwaas oo isugu jiray dad da’ ah iyo carruur kadib markii ay waayeen wax u gar gaara.

Ing. C/llaahi Axmed Jilacow oo ahaa ninkii loo soo wakiishay inuu dadkaas dhibaateysan gaarsiiyo deeqdaas lacageed ayaa si weyn uga mahad celiyay Jaaliyadda soo wakiilatay, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in jaaliyadaha kale ee ku dhaqan dalka dibadiisa ay ku daydaan Jaaliyadaasi, si loo gar gaaro dadkaas oo uu sheegay inay yihiin kuwo si aad ah u dhibaateysan.



Howsha qeybinta deeqdaasi ayay gacan ka geysteen ciidamadda amniga ee Degmada Kaaraan oo uu hor kacayay guddoomiyahooda Mudane C/llaahi Xasan Rooble.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia