11/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 21, 2008
AHMEDOU OULD-ABDALLAH: �Inta ay jiraan Dad badan oo ka hadlaya Arrimaha Soomaaliya weli waxaa jirta tallaabo lagu joojin karo qalaalasaha ka dhacaya Soomaaliya�

Jimco, March 21, 2008(HOL): Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah ayaa ku baaqay in Dunida ay joojiso dan-ka-gelis la�aanta ay kula dhaqmeyso Soomaaliya, isagoo sheegay in Beesha Caalamka looga baahan yahay in ay Soomaaliya ku lug yeelato, isla markaana ay gacan ka geysato sidii loo dhameyn lahaa xadgudubyada ka jira.
 
Dajire Ahmedou Abdallah oo Xarunta Qaramada Midoobay ee New York kula hadlayay Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxaa uu sheegay in ay Soomaaliya ka jirto rajo arrimaheeda wax looga qaban karo, taasi oo loo baahan yahay in aan la lumin.

�Inta ay jiraan Dad badan oo ka hadlaya Arrimaha Soomaaliya weli waxaa jirta tallaabo lagu joojin karo qalaalasaha ka dhacaya�ayuu yiri Ahmedou Ould-Abdallah oo ku celceliyay in Beesha Caalamka looga baahan yahay in ay la timaado door qeexan oo ay uga qeybqaadaneyso xal u helidda mushkiladda ka taagan Soomaaliya.

Shirka uu Ergaygan hadalka ka jeediyay oo ay yeesheen Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa waxaa looga hadlayay sidii Ciidamo nabad ilaalin ah oo UN-ka ka socda loogu diri lahaa Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in Danjirayaasha  UN-ka u fadhiya Dowladaha Mareykanka (Mr. Zalmay Khalilzad), Ingiriiska (Mr. John Sawers) iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-Moon ay isku raaceen in inta aan Ciidamadaas loo dirin Soomaaliya loo baahan yahay in marka hore xal siyaasadeed laga gaaro Arrimaha Soomaaliya.

Laakin waxaa hadalkaas ka soo horjeestay Danjiraha Qaramada Midoobay u fadhiya Dalka Koofur Afrika Danjire Dumisani Kumalo oo sheegay in ay waqti qaadaneyso sidii Golaha Ammaanka looga dhaadhicin lahaa in Ciidamo Nabad ilaaliyayaal ah loo diro Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay muhiim tahay in ciidamo nabad ilaaliyayaal ah loo diro Soomaaliya, �Laakin taasi uma muuqato mid berri dhaceysa�ayuuna yiri Danjire Dumisani Kumalo oo dhawaan mar uu UN-ka ka hadlayay sheegay in marka ay timaado in laga hadlo Arrimaha Soomaaliya uu Golaha Ammaanka gacan bidixeeyo Xaaladda Dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia