Maxamed Dheere oo Ganacsatada Muqdisho ku eedeeyay in ay isku xiraan Ururrada Al-Shabaab iyo Al-Qaacidda
Jimco, March 21, 2008(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee xarunteedu tahay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku eedeeyay ganacsatada Muqdisho in ay isku xiraan Ururrada Al-Shabaab iyo Al-Qaacidda.
“Markii la waayay meelo ay Al-Qaacidda Lacago uga soo dirto Ururka Al-Shabaab ayay ganacsatada bilaabeen in ay u dhaxeeyaan labadaas Urur, waxayna lacagtaas soo geliyaan Badeecooyin”ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay in ay sidoo kale ganacsatada lug ku leeyihiin Dagaalalda Muqdisho ka dhaca ee looga soo horjeedo Dowladda Federaalka.
Maxamed Dheere waxaa uu ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho wuxuu sheegay in ay dagaalkaas ka dambeeyeen Xoogagga Al-Shabaab, isagoo tilmaamay in Ciidamada Dowladda Federaalka ay kaliya ku ekaayeen is-difaacid.
“Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde wuxuu dhawaan ugu baaqay Mas’uuliyiinta maamullada Dalka in aysan ku hadlin hadallo xanaf leh oo dib u heshiisiinta wax u dhimaya, marka hadalkaagan sow uma eka mid xanaf leh oo wax sii kala fogeynaya” ayay ahayd su’aal la weydiiyay Maxamed Dheere, wuxuuna ku jawaabay“Aniga run ayaan sheegayaa ee hadal xanaf leh kuma hadlayo, Ra’iisal Wasaaraha ma wuxuu leeyahay yaanan runta la sheegin, aniga waan aqaanaa dadka aan ka hadlayo, waana wax la ogyahay cidda dagaallada ka wada Magaalada Muqdisho”.
Ma ahan markii ugu horeysay ee uu Maxamed Dheere sii daayo hadal saxaafadeed uu ku sheegayo in dagaallada ka dhacaya Magaalada Muqdisho ay ka dambeeyaan Xoogagga Al-Shabaab, sidoo kalena ay ganacsatada Gobolka taageeraan Kooxaha Dagaalka kala soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia