Ciidamo Itoobiyaan ah oo xalay lagu weeraray Magaalada Muqdisho iyo Deegaanka Lafoole
Jimco, March 21, 2008(HOL): Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka tagtay Magaalada Muqdisho isla markaana ku sii jeeday dhinaca Degmada Afgooye ayaa mar ay marayeen Deegaanka Lafoole waxaa lagu qaaday Weerar loo adeegsaday Miinada Dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago.
Dad ku sugan Deegaanka Lafoole ayaa waxay sheegeen in markii Ciidamada Itoobiyaanka qaraxa loo geystay ay muddo 20 daqiiqadood ah rasaas u ridayeen dhinac kasta, kadibna ay safarkoodii sii wateen.
Meesha uu qaraxa ku qabsaday Ciidamada Itoobiyaanka ayaa waxaa saaka lagu arkay Dhiig iyo burburka qaar ka mid ah Gaadiidkii ay wateen ee ay Miinada waxyeeleysay.
Sidoo kalena, Ciidamo Itoobiyaan ah oo socod ku marayay Wadada isku Xirta Isgoysyada Fagax iyo Ex Koontarool Balcad ayaa xalay mar ay socdeen agagaarka Hotel Ramadaan ee Degmada Yaaqshiid waxaa weerar ku qaaday Kooxo hubeysan, waxaana halkaas ka dhacay dagaal xooggan.
Dagaalkaas oo la isugu adeegsaday hubka culus iyo midka fudud ayaa wuxuu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray Dad rayid ah oo guryahooda ku jiray markii uu dagaalka dhacayay, kuwaasi oo xalay ay u ahayd markii ugu horeysay ee ay dushooda ku dagaalamaan Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Ugu dambeyntiina, Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxay tahay mid degan oo aaney wax iska hor-imaadyo ah ka jirin, iyadoo maantana ay tahay maalin Jimco ah oo ay Dadka ka nasanayaan Howlaha Todobaadka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia