Hiiraan Online
11/6/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Jimco, Mar 21, 2008
Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan oo gacanta ku dhigay Lacag Shillin Soomaali ah oo si qarsoodi ah lagu soo geliyay Magaalada Beledweyne
Jimco, March 21, 2008(HOL): Ciidamadda Maamulka Gobalka Hiiraan oo Maalmihii aynu soo dhaafnayba waday howl-galo lagu baadi goobayo Lacagta Shilinka Soomaaligga ee sidda qarsoodiga ah Ganacsatadu ku soo galiso Gobalka Hiiraan ayaa markii ugu horeysay ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan Gaari Noociisu yahay (Waaraad ) oo si xirfadeysan loogu soo raray lacago shilin Soomaali ah.
Gaarigga oo sidoo kale ay saarnaayeen Badeeco isugu jirtay Noocayadda Raashinka ayeey Ciidamadu ka dajeen in ka badan 10 Butadood ama Jawaan oo ay ku jiraan Lacago Shilin Soomaali ah xili la doonayay in alaabta saaray gaarigga iyo lacagtaba lagu rogo mid ka mid ah Bakaaradda Magaaladda.
Ciidamadda Maamulka oo ku hubeysan Gadiidka dagaalka ayaa u qaaday lacagta la qabtay dhinaca Xarunta Maamulka Gobalka Hiiraan, waxaana wali ka socdda qeybo badan oo ka mid ah Magaaladda Baaritaano xoog leh oo lagu sameynayo ka soo gala Maamul Gobaleed Puntland oo inta badan laga soo galiyo lacagta Shilinka Soomaaligga ah.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo dhawaan ka hadlay Sicir bararka ku dhacay Maciishadda ayaa sheegay in ay sabab u tahay lagacta la soo galiyo gudaha Gobalka, waxaana oo intaa raaciyay in wixii hadda ka danbeeya Gadiidka lagu qabto isagga oo lacag sida lala wareegi doono.
Dadka ku dhaqan Magaaladda Beledweyne oo daawanayay markii ay Ciidamadu la wareegayeen Lacagta Shilin Soomaligga ah ayaa siweyn arintaa u soo dhaweeyay iyagga oo sheegay in Ganacsatadu yihiin kuwa dhibaatadda ku haya shacabka madaama ay fiirsadaan danahooda gaarka ah.
Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay bilaabeen Ciidamadda Maamulka Gobalka Hiiraan howl-galadda lagu baadi goobayo Lacagta shilinka Soomaaligga ah ee la soo galiyo gudaha Gobalka waxaa hoos u dhac lakiin aan sidaa u badneyn laga dareemay Sarifka lacagta Doolarka ah oo Maata maraya magaaladda Beledweyne 2, 550,000 oo Sh. So. ah halka maalmihii aynu soo dhaafnay uu ku sigtay in doolarku tago 2, 700,000 oo Sh. So. Waxaana hubaal ah hadii la xakameeyo lacagta shirci daradda ah ee la soo galinayo Gobaladda dalka in arimuhu iska badali la hayeen halka ay hadda joogaan, gaar sicir bararka ku dhacay Maciishadda oo sameyn ku yeelatay Nolasha Qoysaska Soomaaliyeed.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia