Sicir bararkii ugu ba’naa ee ku yimaada Raashinka iyo Shidaalka oo ka taagan Magaalada Muqdisho
Isniin, March 17, 2008(HOL): Qiimaha lagu kala iibsado raashinka quutul daruuriga ah iyo shidaalka ayaa waxaa ku yimid sare u kac aad u weyn, kaasi oo si weyn u saameeyay dadka aan dhaqaalaha buuran lahayn ee nolol maalmeedka la dagaalama.
Sicir bararka ku yimid Raashinka Quutul-Daruuriga ah iyo Shidaalka ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa magaalada Muqdisho, waxaana lagu hadal hayaa meelaha ay dadka isugu yimaadaan, iyadoo ay xusid mudan tahay in sicir bararkan uu ku soo beegmayo iyadoo aysan dadka Muqdisho intooda badan shaqeynin, isla markaana kuwo yar oo shaqeyn jiray ay goobahooda ganacsiga sida Suuqa Bakaaraha ay u tegi la’ yihiin nabadgelyo darro ka jirta aawadeed.
Haddaba aanu eegno halka uu marayo qiimaha raashinka, shidaalka iyo weliba sarifka lacagta Doollarka oo ay inta badan ganacsatada Soomaaliyeed ay ku jaan-gooyaan ganacsigooda.
Raashinka Jumlo |
Qiimaha uu joogo |
Raashinka Tafaariiq |
Qiimaha uu joogo |
Loor Sokor ah |
28$ |
Kiilo Sokor ah |
13000Sh.so |
Loor Bur ah |
35$ |
Kiilo Bur ah |
19000Sh.so |
Loor Bariis ah |
29$ |
Kiilo Bariis ah |
19000Sh.so |
Kartoon Baasto ah |
13$ |
Kiilo Baasto ah |
32000Sh.so |
Saliid Cad 20 Ltr |
31$ |
Madaal Digir ah |
15000Sh.So |
Gasac Caano ah |
19$ |
Madaal Galley ah |
440,000 |
Shidaal Fuustadii |
Qiimaha uu joogo |
Shidaal Liitarkii |
Qiimaha uu joogo |
Basiin |
148$ |
Liitarkii Basiin ah |
21000 Sh. So |
Nafto |
270$ |
Liitarkii Nafto ah |
33000 Sh. So |
Sarifka Doollarka |
Heerka bixinta |
Heerka Qabashada |
|
Boqolkii Doollar |
2,410,000 Sh. So |
2,400,000 Sh. So |
|
Weli ma dhcin taariikhda sicir bararka Suuqyada Muqdisho in uu heerkan oo kale gaaro, weliba xili ay dadka ku dhaqan muqdisho la soo dersadeen xaalado shaqo iyo nabadgelyo la’aan ah.
Marka laga soo tago Qiimo kororka ku yimid raashinka Quutul daruuriga ah ayaa waxaa si weyn loo dareemayaa sare u kaca qiimaha Shidaalka, waxaana laga dareemayaa Waddooyinka Muqdisho oo ay ka yaraadeen gaadiidkii isticmaali jiray, gaar ahaan kuwa dadweynaha oo haddiiba la helo haatan magaalada gudaheeda looga raaco qiimo dhan 5000 Sh. So.
Aqoonyahanno ka faalooda arrimaha Dhaqaalaha ayaa waxay sheegeen in sicir bararka jira ay mas’uul ka yihiin ganacsatada Soomaaliyeed oo aaney jirin cid kula xisaabtanta qaabka ay u ganacsadaan, waxayna qaarkood sheegeen in ay jiraan ganacsato raashinka iyo waxyaabaha kale ee ay dadka u baahan yihiin keydiya xiliyada ay dadka u baahan yihiin, isla markaana kaga faa’iideysta waqtiyadan oo kale oo ay dadku qabaan baahida ugu badan.
Dr. Cumar Colaad oo ka mid ah Aqoonyahannada ka faalooda arrimaha Dhaqaalaha ayaa wuxuu sheegay in nolosha dadka Muqdisho ay khatar ku jirto, wuxuuna taasina ku sababeeyay in iyadoo sicir barar jiro ay Dadka Muqdisho hadana gelayaa Xiligii Bad xiranka oo bilaabanaya bartamaha Bisha May ee soo socota, xiligaasi oo ay yaraan doonaan Gaadiidka Badda ee Badeecooyinka Ganacsi ka keena Seyladaha ay ku xiran yihiin ganacsatada Soomaaliyeed sida Imaaraadka Carabta iyo Kenya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, sicir bararka ka taagan Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dad badan oo ku noolaa hooska guryahooda xitaa haddii aysan helin wax ay cunaan ay haatan daadsan yihiin inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye iyagoo weliba ku nool heer ka sii hooseeya saboolnimo, iyadoo ay xusid mudan tahay in dadkaasi ay u badan yihiin Dumar, Caruur iyo Dad Waayeello ah oo la ogyahay in ay yihiin kuwa bulshada ugu nugul oo aan duruufaha ah u adkeysan karin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia