Ururrada aan Dowliga ahayn ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo hoggaan doortay
Arbaco, March 12, 2008(HOL): Ururrada aan dowliga ahayn ee Soomaaliya oo beryahan shir ku lahaa Hotel Imperial Resort Hotel ee magaalada Entebbe ee dalka Uganda ayaa waxay maanta doorteen hoggaan cusub.
Mas’uuliyiin ka socday Ururro aan Dowli ahayn (None State Actors) iyo xubno iyana ka socday Ururada Bulshada Rayidka oo ka kala yimid Gobollada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa gunaanadkiisa waxaa lagu doortay hoggaan cusub, iyadoo guddoomiyaha Ururrada aan Dowliga ahayn ee Soomaaliya loo doortay Axmed Nuur Cismaan, halka Guddoomiye ku xigeenna loo doortay C/qaadir Shiikh C/llaahi Colow.
|
Agaasimaha Hay'adda CRD Jabriil Ibraahim Cabdulle(Bidix) iyo Guddoomiyaha Ururrada aan Dowliga ahayn ee Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya Axmed Nuur Cusmaan |
Doorashada Hoggaanka cusub ee Ururrada aan dowliga ahayn ee Soomaaliya ayaa waxay u dhacday qaab dimoqraadi ah oo qarsoodi, iyadoo ay isu soo sharaxeen afar musharax oo kala ahaa Axmed Nuur Cusmaan, Cusmaan Muxyaddiin Macallin, C/raxmaan Macallin Axmed iyo Nuurto Shiikh Axmed, kuwaasi oo soo jeediyay taariikh nololeedkooda iyo waxyaabaha ay doonayaan in ay qabtaan.
Wareeggii koowaad ee doorashada ayaa waxaa ku haray labo musharax oo kala ah C/raxmaan Macallin Axmed iyo Cusmaan Muxyaddiin Macallin, halka ay wareeggii labaadna u soo baxeen Nuurto Shiikh Maxamed iyo Axmed Nuur Cusmaan, iyadoo ugu dambeyntiina uu doorashada ku guuleystay Axmed Nuur Cusmaan.
Ururrada aan Dowliga ahayn ee Soomaaliya ayaa waxay iska soo dhex doorteen intii aan loo gudbin doorashada Guddomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeen 17 xubnood oo guddi fulin ah, kuwaasi oo 7 ka mid ah ay yimaadeen Gobolka Banaadir halka 10-ka kalena ay ka yimaadeen Gobollada kale ee Dalka Soomaaliya.
Magacyada Xubnaha Guddiga Fulinta ee Ururrada aan Dowliga ahayn
Axmed Nuur Cusmaan
C/qaadir Shiikh C/llaahi Colow
Maxamed Cabdulle Mahdi
Garweyne Kuulow Aweys
Daahir Cali Barre
Aadan Xasan Barre
Cumar Isaaq Xasan
Xasan Macallin Yuusuf
Xasan Cali Jaamac
Xasan Shiikh Axmed
C/naasir C/llaahi Cabdi
Yuusuf Maxamed Barrow
C/raxmaan Macallin Axmed
Cusmaan Muxyaddiin Macallin
C/risaaq Maxamed Nuur
Nuur Shiikh Maxamed
Faadumo Xasan Diirshe
Markii soo idlaatay doorashada Hoggaanka Ururrada aan dowliga ahayn ee Soomaaliya ayaa waxaa xafladdii doorashada ka hadashay Nuurto Shiikh Maxamed oo looga adkaaday doorashadii Guddoomiyenimada Ururrada aan Dowliga ahayn ee Somaaliya, waxayna sheegtay in aad ugu faraxsan tahay qaabka ay u dhacday doorashadii hoogaanka Ururrada aan dowliga ahayn ee Soomaaliya, waxayna ballan qaaday in ay la shaqeyn doonto guddoomiyaha la doortay ee doorashada uga adkaaday.
Sidoo kale waxaa gunaanadkii doorashada ka hadlay Madaxa Barnaamijyada Afrika ee Hay’adda Saferworld Mr. Ivan Campell iyo Agaasimaha Hay’adda Cilmi baarista iyo Wada-tashiga CRD Jabriil Ibraahim Cabdulle, kuwaasi oo sheegay in ay la dhacsan yihiin qaabka ay u dhacday Doorashada Hoggaanka Ururrada aan Dowliga ahayn ee Soomaaliya, waxayna intaas kadib ugu baaqeen Mas’uuliyiinta Ururrada aan Dowliga ahayn ee Soomaaliya in ay kaalinkooda ka soo dhalaalaan, isla markaana ay la yimaadaan waxqabad dhab ah.
Ugu dambeyntiina, waxaa goobta ka hadlay Guddoomiyaha Ururrada aan Dowliga ahayn ee Soomaaliya Axmed Nuur Cismaan, kaasi oo sheegay in uu xilkiisa u gudan doono si wafaaqsan sharciga u degsan Ururrada aan Dowliga ahayn, wuxuuna isla goobtii lagu doortay uga dhawaaqay in ay Ururrada aan Dowliga ahayn kalfadhigooda koowaad ku bilowdaan isla Hotelka uu shirka ugu dhamaaday ee Imperial Resort Beach.
Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia