5/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 8 , 2008
Ururka Al-Shabaab oo sheegtay weerar madaafiic loo adeegsaday oo xalay lagu qaaday Shan Goobood oo Baydhabo ku yaala

ABUU MANSUUR: “Baydhabo waa dhufeyskii ugu dambeeyay ee ay ku jiraan Ciidamada cadawga, sidaas darteedna waxaan mujaahidiinta ugu baaqayaa in ay Baydhabo isugu yimaadaan”

Talaado, July 08, 2008(HOL): Afhayeenka dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo shir jaraa’id qadka Taleefoonka ugu qabtay Warbaahinta Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in ay  Xoogaggooda ka dambeeyeen Weerarro Madaafiic loo adeegsaday oo xalay lagu qaaday Magaalada Baydhabo.

Abuu Mansuur waxaa uu sheegay in weerarka xalay ay ku qaadeen Magaalada Baydhabo ay khasaare ugu geysteen sida uu u yiri Ciidamada Cadawga iyo kuwa Dowladda ridada, “Baydhabo waa dhufeyskii ugu dambeeyay ee ay ku jiraan Ciidamada cadawga, sidaas darteedna waxaan mujaahidiinta ugu baaqayaa in ay Baydhabo isugu yimaadaan” ayuu yiri Shiikh Mukhaar Roobow Abuu Mansuur.

Afhayeenka Al-Shabaab oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray in ay Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka ay ilaa iyo haatan qarinayana dhibaatadii ka soo gaartay weerarkii ay xalay ku qaadeen, isla markaana ay dadka ka qarinayaan meelihii ay madaafiicda ku dhaceen.

Shiikh Mukhtaar Roobow waxaa uu sheegay in afarta gees ay magaalada Baydhabo ka joogaan Ciidamadooda, isla markaana ay sii socon doonaan weerarrada ay ku qaadayaan fariisimada Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya, “kuwa u shaqeeya Itoobiyaanka waxaan leeyahay u hoyda meelaha ay Itoobiyaanka joogaan, koley Baydhabo waxaa joogi doona Ciidamada Mujaahidiintee”ayuu mar kale yiri Abuu Mansuur oo sheegay in Baydhabo ay ahayd meesha kaliya ee aan weli weerarro lagu qaadin, haatanna ay weerarradii ku bilowdeen.

Dhanka kalena, Abuu Masnuur waxaa uu ka hadlay dilkii habeen hore Muqdisho loogu geystay marxuum Cusmaan Cali Axmed oo u shaqeynayay Hay’adda UNDP, “Waan cambaareyneynaa dadkii ka dambeeyay dilkii loo geystay marxuumkaas, waxaana is-leenahay dilkiisa waxaa ka dambeeyay dad dano gaar ah ka leh ama ay dhici karto in ay  dileen  dad uu mashaariic ka hor-istaagay”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo sheegay in dhinacooda aysan wax lug ah ku lahayn dilalka loo geysanayo dadka wax-galka ah ee magaalada Muqdisho ka dhaca.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia