5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 7 , 2008
Mudaharaad dhimasho iyo dhaawac keenay oo ka dhacay Magaalada Hargeysa (Daawo Sawirrada Mudaharaadka)


Isniin, July 07, 2008(HOL):  Inta la ogyahay 11 qof, ayaa ku dhaawacmay, 2 Qof oo kalena way ku dhinteen Mudaharaad ballaadhan oo maanta ka dhacay Xaafado ka mid ah Magaalada Hargeysa.

Mudaharaadkan oo saaka ka bilaabmay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Hargeysa, ayaa markii dambe ku baahay qaybo ka mid ah Magaalada oo gaadhsiisan ilaa badhtamaha Suuqa wayn ee Magaalada. Halkaas oo ay isku dhaceen Ciidamada Booliska iyo dadka ka qayb galay Mudaharaadkan.

 Hase ahaatee, markii dambe ayay Ciidamada Milatariga lagu xoojiyay kuwa Booliska. Inkasta oo ay adkayd in wax badan laga ogaado khasaaraha dhabta ah ee uu geystay Mudaharaadkan, ka dib markii ay Ciidamada Booliska iyo Milatarigu u adeegsadeen Mudaharaadayaasha Rasaas, taas oo kalliftay khasaaraha soo gaadhay tiro ka mid ah ka qayb-qaatayaasha Mudaharaadkan.

Mudaharaadkan oo socday ilaa 4:00 galabnimo ee maanta, ayaa bilaabmay saaka ka dib markii ay shalay Dawladdu isku dayday inay kaxayso Riig dhinaca Koonfureed ee Magaalada Hargeysa ka qodayay Ceelal Biyo. Kaas oo ay isku gedaameen dhalinyaro Xaafaddaas ka tirsani, isla markaana diideen in la kaxeeyo. Taas oo ay Xukuumadduna ku xaraysay Gaadhiga uu Riigaasi saarnaa dhisme aan wax badan ka fogayn Hotel Ambassador ee agagaarka Madaarka Hargeysa.

Dhalinyarada diiddanayd kaxaynta Riiggan ee ay Xukuumaddu ku doonaysay inay goobtii uu shaqada ka waday ka kaxayso Riigga, ayaa xalay qaar ka mid ahi u hoydeen duleedka Dhismaha lagu xareeyay Riigga iyo agagaarka Deyrka Dhismahaas. “Riiggan waxa loo wadaa Magaalada Borama, ka dib markii uu shalay BBC-da ka sheegay Guddoomiyaha Gobolka Awdal inay Biyo-la’aani ka jirto Gobolkiisa.

“Taas ma yeelayno, lamana kaxayn karo Riigga ilaa uu dhammeeyo Ceelasha Biyaha ah ee uu qodayay.” Sidaa waxa yidhi Mawliid Faarax oo ka mid ahaa dhalinyaradii ka soo horjeedday tallaabadan, oo aan wax ka waydiiyay waxay ka cabanayaan.

Qaar ka mid ah Masuuliyiinta Dawladda oo aan la xidhiidhay ayaa ka gaabsaday inay arrintan ka hadlaan, hase ahaatee, siday ii xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ahi, Taliyaha Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubbad iyo Wasiirka Beeraha Aadan Axmed Cilmi hadlay arrintan, waxaanay sheegeen in aan Riigga loo wadin Borama, balse aanu shaqayn Karin, una baahan yahay qalab looga doonay dibedda.

Riiggan ayaa qorshihiisu ahaa inuu afar Ceel oo biyo ah ka qodo Koonfurta Magaalada Hargeysa, hase yeeshee Maamulka Somaliland ayaa isku dayay shalay inay goobtii uu hawsha biyo-qodista ka hayay ka kaxeeyaan Riiggan, isaga oo aan shaqadii dhammaynin oo uu Ceel kaliya qoday.





HOL kala soco wixii ka soo kordha Mudaharaaddadan..
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland