4/12/2025
Today from Hiiraan Online: Five civilians killed in Al-Shabaab landmine blast in Middle...
Wararka Maanta- Axad, July 27, 2008
Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo dhagax-dhigay Garoonka Kubadda Cagta Banaadir Stadium oo dayactir lagu sameynayo


Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta oo dayactir ku sameynaya Garoonka Kubadda Cagta Banaadir Stadium

Axad, July 27, 2008(HOL): Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa maanta wuxuu shaaca ka qaaday in uu dayactir ku sameynayo Garoonka Kubadda Cagta Banaadir Stadium.

Munaasabad dhagax-dhig ah oo loogu talagalay dib u dayactirka Garoonka Kubadda Cagta Banaadir Stadium ayaa maanta waxay ka dhacay gudaha garoonkaas, waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Warfaafinta, Dhalinyarada iyo Isboortiga Axmed C/salaan Xaaji Aadan, Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta Nuur Iidow Beyle iyo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Arrimaha Bulshada Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax-tuur).

Wasiirka Warfaafinta, Dhalinyarada iyo Isboortiga Axmed C/salaan Xaaji Aadan
Sidoo kalena waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo kala ah Aaadan Xaaji Yabarow (Wiish), Maxamed Axmed Colow (Xaaji Colow) iyo Prof. Maxamed Cali Caddow iyo Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta oo ay isna ka socdeen  Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Saciid Maxamuud Nuur Mugambe, Guddoomiye ku xigeenka Cali Saciid  iyo Xoghayaha Xiriirka C/qani Siciid Carab.

Wasiirka Warfaafinta, Dhalinyarada iyo Isboortiga, ahna Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed C/salaan Xaaji Aadan ayaa waxaa uu dhagax-dhigay qeybo dayactir looga sameynayo Garoonka Kubadda Cagta Banadir Stadium.

Wasiirka oo ka hadlay munaasabadda lagu dhagax-dhigayay dib u dayactirka Garoonkaas ayaa wuxuu sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay in uu dhagax-dhigo Garoonka Banadir Stadium oo dayactir lagu sameynayo, wuxuuna sheegay in howsha dayactirka garoonka ay tahay mid uu waday Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta iyagana ay ka qeybqaadanayaan dhameytirkeeda.

“Waxaa nasiib wanaag ah in maanta laga hadlayo dib u dhiska dalka, halka markii hore aan maqli jirnay iyadoo maalin walba laga hadlayo bur bur iyo wax aan wanaagsan oo ay mar walba laga sii deyn jiray qalabka Warbaahinta”ayuu yiri Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta uga mahadceliyay howsha uu qabtay, isagoo sidoo kalena mahadcelin u jeediyay Xiriirka Kubadda Cagat Adduunka ee FIFA, kaasi oo bixinaya Dhaqaalaha lagu dayactirayo Garoonka Kubadda Cagta Banadir Stadium.

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Saciid Maxamuud Nuur (Siciid Mugambe) ayaa isna ka hadlay xafladdii dhagax-dhigga dayactirka Garoonka Kubadda Cagta Banaadir Stadium, wuxuuna sheegay in ay dadaal weyn u galeen sidii Garoonkaas oo qeybo ka mid ah uu burbur soo gaaray dayactir loogu heli lahaa, isagoo intaas ku daray in ay qorsheynayaan in ay dhismooyin dheeraad ah ku soo kordhiyaan Garoonka, wuxuuna caddeeyay in ay qorshaha dayactirka Garoonka ku howlanaayeen tan iyo sanadkii 2006.

Saciid Mugambe wuxuu u mahadceliyay Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka (FIFA) oo uu sheegay in uu bixinayo dhaqaalaha lagu dayactirayo Garoonka Kubadda Cagta Banadir Stadium, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay farxad u tahay in ay dayactiraan Garoonka Banaadir, taasi oo uu xusay in haddii ay xilka ka degaan ay u noqoneyso wax weyn oo ay qabteen..

Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium oo la dhisay Sanadkii 1956 ayaa waxaa dayactir lagu sameeyo ugu dambeysay horaantii Sideetamaadkii, xiligaasi oo ay dalka ka jirtay Dowladdii Mileteriga ahayd ee Soomaaliya xukumeysay 21-ka sano.

Dayactirka lagu sameynayo Garoonka Kubadda Cagta Banaadir ayaa wuxuu qeyb ka yahay mashruuc ay FIFA ku dayactireyso Garoomo Kubadda Cagta lagu ciyaaro oo ku yaala Dalal badan oo ka tirsan Qaaradda Afrika, kuwaasi oo la dhigi doono gogosha macmalka ah ee ay leeyihiin Garoomada Kubadda ee Wadamada horay u maray.

Ugu dambeyntiina, Dayactirka lagu sameynayo garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Garoonka weyn ee Kubadda Cagta lagu ciyaari jiray ee Muqdisho Stadium uu haatan fariisin u yahay Ciidamo Itoobiyaan ah, walow uu Wasiirka Dhalinyarada Isboortiga Axmed C/salaan Xaaji Aadan uu sheegay in isna Garoonkaas dayactir lagu sameyn doono, Xukuumadda Federaalkana ay arrintaas gacan ka geysan doonto.







Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia