“Ra’iisal Wasaaraha in uu yiri Al-Qaacidda baan la hadlayaa Anigu ma maqlin, haddey yeelayaan hala hadlo oo ay Al-Qaacidda ka harayaan, Laakin Adduunkaa na qabsanayee see la yeelayaa?”- UNIVERSAL TV

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya-C/llaahi Yuusuf Axmed
Sabti, February 09, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf oo intii uusan ka soo amba bixin magaalada London wareysi gaar ah siiyay TV-ga Af-Soomaaliga ku hadla ee Universal ayaa wuxuu ka hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen dib u heshiisiinta uu wado Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, waxa ka jira in isaga iyo Ra’iisal wasaaraha uu khilaaf u dhaxeeyo, in ay baxayaan Ciidamada Itoobiya iyo waxa ay yeelayaan haddii uu dhamaado waqtiga u harsan Dowladda Federaalka.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa ugu horeyn ka hadlay caafimaadkiisa oo wax laga weydiiyay, wuxuuna sheegay in markii uu London tegayay uu xanuunsanayay balse uu fiican yahay, isla markaana ay dhaqaatiirta u sheegeen in uu caafimaad qabo, isagana uu dareemayo caafimaadkaas dareemayo.
Markaas kadib madaxweynaha waxaa wax laga weydiiyay sida uu u arkayo dadaalka dib u heshiisiinta ah ee uu wado Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo waxa ka jira in isaga iyo Ra’iisal Wasaaraha uu khilaaf u dhaxeeyo, wuxuuna sheegay in isaga, Ra’iisal Wasaaraha, Baarlamaanka iyo dowladda oo dhan ay dib u heshiisiinta doonayaan balse lagu kala duwan yahay qaabka loo wajahayo.
“Haddii dib u heshiisiin la sameynayo waa in ay dowladda u dhamaataa, ma ahan qof kaliya in uu sameeyo, siyaasad dowladeed oo dowlad degsatay waa in ay noqotaa”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in aanu jirin wax khilaaf oo u dhaxeeya isaga iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka marka laga reebo in ay ku kala aragti duwan yihiin qaabka loo wajahayo dib u heshiisiinta.
“Ra’iisal Wasaaraha in uu yiri Al-Qaacidda baan la hadlayaa Anigu ma maqlin, haddey yeelayaan hala hadlo oo ay Al-Qaacidda ka harayaan, Laakin Adduunkaa na qabsanayee see la yeelayaa” ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo intaas ku sii daray “Aniga Ra’iisal Wasaaraha waan u deyn karaa haddii uu keeni karo Raggaas”.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu ka hadlay Odayaasha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, wuxuuna sheegay in uu Odayaashaas u arkayo kuwo sida uu yiri ay ku shaqeystaan Al-Shabaab, “Waxa nala dagaalaya anigaa kuu sheegayaa, waa Al-Qaacidda, Al-Shabaab iyo Dad Soomaali ah oo markii burburka dhacay Hantidii Dadka iyo tii Qaranka qabsaday oo raba in ay xalaaleystaan, haddii aaney cidi kuu sheegeyneynin weligaa anigaa hadda kuu sheegaya, odayaasha kuwa ay u hadlayaana kuwaas weeye”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.
Mar wax laga weydiiyay cidda aysan la hadleynin waxaa uu si cad u yiri “Al-Qaacidda Dadka ay ku cadaatay iyo Shabaabka ay wataan lama hadleyno, laakin dadka intiisa kale waa dadkii aan madaxda u ahayn ee aan u adeegeynay, waana la hadleynaa kuwaas”.
Mar wax laga weydiiyay sida ay yeelayaan haddii uu waqtiga ka dhamaado Dowladda Federaalka iyagoo aan qaban howlaha horyaala Dowladda Federaalka waxaa uu yiri “Waan ogahay anigu nimankan nala dagaalamaya in ay is-leeyihiin shanta sano ka dhameeya, kadibna idinka meesha qabsada laakin dowladda meel cidlo ah oo aan wax xukun ah lahayn ka tegi meysee, iyagaan la talinayaa waxaan leeyahay idinka waqtiga ha isku dheereynina, haddiise aad nagu dheereysaan dowladda waa joogeysaa, howsha waa wadeysaa ilaa kama dambeys guul ah la gaaro”ayuuna yiri madaxweynaha.
Sidoo kale mar wax laga weydiiyay goorta ay baxayaan Ciidamada Itoobiya waxaa uu sheegay in aysan Ciidamada Itoobiya ka baxeynin Soomaaliya ilaa ay nabad ka noqoto, “Ciidamada Itoobiyana bixi maayaan ilaa uu wadanka amni ka yimaado, kuwa kalena biximaayaan, kuwo hor lehna waa la keenayaa, waxaa weeye shiddo uun bey kororsanayaane dadkani caqli ku filan haddii ay leeyihiin ficilka ay sameynayaan iyaga ayuu caqabad iyo laf dhuun-gashay ku yahay, Waa’ beyse garan doonaan”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo sheegay in aan wax faa’iido ah dagaal lagu gaareynin.
Waxaa wax laga weydiiyay waxa keenay in ay Ciidamo Itoobiyaan ah ka baxaan xerooyin ay ku jireen wuxuuna sheegay in ay Ciidamadaas u baxeen inay meelo kale howlo ka qabsadaan, wuxuuna ku celiyay in aysan Ciidamada Itoobiya Soomaaliya ka bixi doonin ilaa laga gaaro ujeedadii ay u yimaadeen oo sida uu yiri ah in nabaddii la soo celiyo.
Wuxuu beeniyay madaxweynaha in ay Dowladda qabiil gaar ah bartilmaameedsaneyo, isla markaana ay ugu yeereyso Al-Qaacidda iyo kuwo aan nabad rabin, “Dadka sidaas qaba waa kuwo ay maskaxdooda qabyaalad ka buuxsantay oo waashay, fiiri guriga aan aniga ka imid haddii ay ka soo baxaan kuwaas oo kale intaan tagaan dabka saareynaa, waan la dirireynaa, qabiilna bartilmaameedsan meyno, umana jeedno, waxaasna caqli-gal ma ahan haddii aan sidaas u fekereyno dowladba ma ahan in aan noqonno, iyaga oo kale waa in aan noqonnaa” ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ugu dambeyntiina shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay iska qabtaan dadka dhibaatada gadaasha kala taagan, isagoo rajeeyay in Shacabka Soomaaliyeed uu haatan kadib nabad heli doono.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia