3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 9 , 2008
Maamulka Islaamiga ah ee ka taliya Magaalada Kismaayo oo burburiyay Qabuuro ku yaalay Magaaladaas

Talaado, December 09, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in maamulka Islaamiga ah ee ka taliya magaaladaas uu burburiyay Qabuurro, iyadoo saraakiil u hadlay maamulkaasna ay ka hadleen sababta ay u burburiyeen.

Xoghayaha Warfaafinta Maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo Shiikh Xasan Yacquub Cali ayaa sheegay in sababta ay Qabuurahaas u burburiyeen ay tahay iyadoo sida uu u hadalka u yiri ay jireen Dad caabudi jiray, wuxuuna caddeeyay in ay Qabuurta qaarkood ku arkeen walxo sanam u eg oo ay dadka qabuurtaas tegi jiray ay caabudi jireen.

Shiikh Xasan Yacquub waxaa uu sheegay in ay shareecada Islaamka ka soo horjeedo in Qabuuro la caabudo, wuxuuna taasi ku tilmaamay shirki, sidaas darteedna waxaa uu caddeeyay in ay go’aansadeen in ay burburiyaan si aaney mar dambe u dhicin in la qabuuro la caabudo.

Qabuurta la burburiyay ayaa waxay ku yaalleen seddex goobood oo ku yaala Magaalada Kismaayo, waxayna ahaayeen qaarkood kuwo watay magacyada dad horay u dhintay oo ay weyneyn jireen dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo.

Ugu dambeyntiina, Ciiddii Soon-fur ee aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii uu maamulka ka taliya Magaalada Kismaayo uu burburiyay Kaniisad ku taallay Magaaladaas, taasi oo uu sheegay in halkii ay ku taallay laga dhisayo Masjid ay dadka Muslimiinta ah ku cibadeystaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia













Click here
12/9/2008 10:03 AM EST
Talaado, December 09, 2008(HOL): Dagaal la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa maanta wuxuu gelinkii hore iyo gelinkii dambe ka dhacay Deegaanno u dhaxeeya Yaaq-biri-weyne iyo Balli-doogle oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

12/9/2008 4:14 AM EST
Talaado, December 09, 2008(HOL): Saakay Waabarigii hore ayaa dadka ku dhaqan deegaanka Kala-beyr oo qiyaastii 30-km u jirta Magaalada waxaa ku soo tooseen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka kuwaaa oo fariisimo ka sameystay deegaanka Kala-beyr.

12/9/2008 4:10 AM EST
Talaado, December 09, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Balanbal ee Gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in ay hawada dib ugu soo noqotay Isgaarsiintii Degmadaas ku xiri jirtay Dalka Soomaaliya intiisa kale iyo weliba dibaddiisa.

12/9/2008 4:07 AM EST
Talaado, December 09, 2008(HOL): Munaasabada Ciidda Awgeed ayay Hay'adda Muslim Aid ee ka howl-gasha Magaalada Beledweyne waxaa ay u qeybisay dadka soo barakacay ee ku jira Xeryaha Magaalada Beledweyne ilaa 100 Neef oo Ari ah si markaa farxadda maalinta Ciidda ay ula qeysadaan dadka kale ee wax heysta.

12/9/2008 4:00 AM EST
Talaado, December 09, 2008(HOL): Magaalada Cape Town ee Dalka Koofur Afrika ayaa si weyn loogu soo baxay salaadda ciidda iyadoo muslimiin aad u fara badan ay buux dhaafiyeen barxadaha lagu oogo salaadaha ciidda ee ku kala yaala gudaha iyo duleedada magaalada.

12/9/2008 3:56 AM EST
Talaado, December 09, 2008(HOL): Madaxwaynaha DGPL Maxamuud Muuse Xirsi Cadde oo ku sugan dalka dibadiisa ayaa ugu hambalyeeyay muslimiinta dunida ciidda barakaysan ee u dhalatay ,waxaana uu u rajeeyay in ciiddan teeda kale in ay farxad ku gaareen shacabka Puntland.