Madaxda sare ee Dowladda Federaalka oo iyagoo Baydhabo ku wada sugan seddex meelood ku kala tukaday Salaaddii Ciidda

Isniin, December 08, 2008(HOL): Seddexda mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee kala ah Madaxweynaha C/llaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe iyo Ra’iisal Wasaaraha Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa maanta waxay Salaaddii Ciidda ku kala tukadeen seddex goobood, iyagoo weliba ku wada sugan Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha iyo xubno Xildhibaanno ah ayaa waxay Salaaddii Ciidda ku tukadeen Xarunta Madaxtooyada Baydhabo, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaanno la joogayna waxay ku tukadeen guriga Guddoomiyaha, halka Ra’iisal Wasaaraha iyo Xildhibaanno la joogayna ay Salaaddii Ciidda ku tukadeen Hotelka Bakiin ee uu Ra’iisal Wasaaraha degan yahay.

Seddexda meelood ee ay ku kala tukadeen madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa laga dheehan karaa khilaafka u dhaxeeya mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka, marka laga soo tago in uusan hagaagsaneyn ammaanka guud ee magaalada Baydhabo.

Khilaafka u dhaxeeya madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu cuuryaan ka dhigay Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo haatan awooddeeda ay ku soo koobantay qeybo ka mid ah Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo oo weliba qudhooda ay Ciidamo Shisheeye ku ilaalinayaan.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, khilaafka u dhaxeeya Madaxda sare ee Dowladda Federaalka, gaar ahaan madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ayaa la filayaa in  qaab sharci ah loo maro xalkiisa kadib marka uu maalmaha soo socda shir isugu yimaado Baarlamaanka Soomaaliya oo xubnahiisana la ogyahay in ay la kala safan yihiin labadaas mas’uul.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia