| Madaxda sare ee Dowladda oo saxiixaya Heshiiskii ay gaareen |
Mudanayaasha Baarlamaanka oo beryahan uu u dhaxeeyay muran salka ku hayay khilaafka ay ka heshiiyeen madaxda sare ee Dowladda ayaa markii uu furmay kulankii Baarlamaanka waxay bilaabeen buuq iyo sawaxan, kaasi oo keenay in nidaamiyayaasha Baarlamaanka ay ku guuleysan waayaan in ay ajendayaasha kulanka jeediyaan.
Intaas markii ay dhacday ayaa waxaa cod baahiyaha qabsaday Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe kaasi oo markii uu Xildhibaannada aamusin waayay kala dooransiiyay in ay u codeeyaan in la dhegeysto khudbooyinka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha iyo in aan la dhegeysan oo ay iska fasaxaan, kadibna waxay 130 mudane oo ka mid ahaa 220 mudane oo kulankii maanta ka soo xaadirtay ay u codeeyeen in la dhegeysto khudbooyinka madaxda sare ee Dowladda, halka ay 90 mudane diideen in la dhegeysto. Ma jirin cid ka aamustay.
Markii ay Mudanayaasha Baarlamaanka badankood aqbaleen in la dhegeysto khudbooyinka madaxda Dowladda ayaa waxaa Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde lagu soo dhaweeyay cod baahiyaha, kadibna waxaa uu Xildhibaannada Baarlamaanka u aqriyay qodobadii ay madaxda dowladda ku soo heshiiyeen.
Ra’iisal Wasaaraha waxaa uu Mudanayaasha Baarlamaanka u sheegay in ay madaxda Dowladda ka heshiiyeen khilaafkii u dhaxeeyay, isla markaana ay ku heshiiyeen:
In ay abuuraan jawi is-afgarad iyo is-aaminsanaan Madaxda Dowladda iyo Hay’adaha Dastuuriga ah ee dalka.
In Axdiga Federaalka KMG ah uu yahay Sharciga ugu sareeya dalka , loona hoggaansanaado.
In madaxda dowladda ay xilkooda u gutaan si waafaqsan Axdiga Dalka, isla markaana aysan madaxda dowladda isku faragelin howl-maalmeedkooda.
In madaxda Dowladda ay howlahooda u gutaan qaab wada-tashi ah.
In Wasiirrada Xukuumadda Federaalka la gaarsiiyo 23 Wasiir si loo xaliyo qul-qulatooyinka ka dhex jira baarlamaanka.
In Wasiirradii Xukuumadda ku jiray Khilaafka ka hor ee 15-ka Wasiir ahaa ay howshooda sidooda u sii wataan.
In madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ay isku af-garteen in shaqada laga fariisiyo Hoggaanka sare ee maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana ay isla magacaabaan guddi u xil-saaran soo dhisidda Maamulka Gobolka Banaadir 15 cisho gudahood.
In la taageero dib u heshiisiinta ay Dowladda kula jirto mucaaradka ka soo horjeeda iyo qodobo kale oo ku saabsan maareynta dhaqaalaha Dowladda soo gala iyo Amniga.
Intaas kadib waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay oo Mudanayaasha Baarlamaanka la hadlay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo intii uusan qudbadiisa bilaabin Xildhibaannada oo buuqayay ka dalbaday in ay kala doortaan in uu la hadlo oo ay dhegeystaan iyo in uu iska baxo, kadibna ay Xildhibaannada badankood isku raaceen in ay dhegeystaan khudbada madaxweynaha.
“Halkan isuma soo taagin in aan hadal badan idiin sheego, heshiiskii waxaa idiin aqriyay Ra’iisal Wasaaraha, waxaanse idiin sheegayaa hadal yar oo nuxur leh, wuxuuna yahay in heshiiska aan gaarnay uu yahay mid ay ku jirto maslaxada Dowladda Federaalka Soomaaliya waayo Beesha Caalamka iyo Mas’uuliyiinta Dowladaha aan saaxibada nahay ee na taageera waxay nagu yiraahdeen haddii aadan heshiis gaarina nagu tashan meysaan, marka waxay ila tahay in ay haboneyd in aan heshiiskan gaarno”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Xildhibaannada Baarlamaanka oo aad u buuqayay dhowr jeer ugu celceliyay in haddii aysan dooneyn in ay dhegeystaan uu iska tegayo kadibna ay war cad ka heli doonaan.
Madaxweynaha oo Xildhibaannada la sii hadlayay waxaa uu kula dardaarmay in ay noqdaan kuwo wanaaga ka shaqeeya oo fowdada iska daaya, isagoo si gaar ah ugu sheegay Xildhibaanno uu u arkayay in ay fowdo ka dhex wadan Baarlamaanka in ay shidada iska daayaan.
Ugu dambeyntiina, Kulankii ay maanta isugu yimaadeen Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo la oran karo wuxuu ahaa mid uu buuq hareeyay ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo Xildhibaanno tiradooda ku dhow dahay 90 Mudane ay Guddoonka Baarlamaanka u gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, kuwaasi oo dabcan maanta ka jeclaa in codka kalsoonida loo qaado Xukuumadda, halkii ay ka dhegeysan lahaayeen Khudbooyinka Madaxda Dowladda Federaalka ee heshiiska soo gaaray.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia