3/13/2025
Today from Hiiraan Online: Somali army and local militias battle Al-Shabaab in Middle S...
Wararka Maanta- Axad, Sept 23, 2007
Dilal Muqdisho ka dhacay Saacadihii la soo dhaafay

Axad, September 23, 2007(HOL): Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay Saacadihii la soo dhaafay dilal loo geystay Dad Rayid ah iyo Ciidamo ka tirsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Labo nin oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxaa lagu dilay Xaafadaha Suuq Bacaad iyo Siigaale oo ka kala tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Hodan, waxaan dilkooda ka dambeeyay kooxo hubeysan oo aan la garaneynin.

 

Sidoo kalena, Nin Rayid ah ayaa xalay lagu dilay Xaafadda Tookiyo ee degmada Yaaqshiid, kaasi oo la sheegay in ay kooxo hubeysan gurigiisa ugu galeen kadibna ay ku dileen.

 

Maanta gelinkii hore ayaa nin kale oo rayid ah waxaa lagu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan qeybta Cabdalla Shidheeye, waxaana la sheegay in ay ninkaas dileen afar nin oo Bastoolado ku hubeysnaa.

 

Ninka la dilay ayaa isku dayay in uu baxsado, hayeeshee uma suurtagelin in uu baxsado, waxaana ku dhacday dhowr xabadood, kadibna wuxuu magangalyo ahaan u galay Masjid ku yaalla Suuqa Cabdalla Shideeye, kaasi oo ay kala soo baxeen Kooxihii dhaawacay oo iridka Masjidka ku dilay.

 

Ugu dambeyntiina, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa muddooyinkan dambe waxaa ka dhacayay dilal loo geysanayo Dad rayid ah oo aan waxba galabsan, waxayna dilalkaas inta badan ka dhacaan Gudaha Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia