Biyo la’aan daran oo soo food-saartay Dad ka barakacay Magaalada Muqdisho
Axad, September 23, 2007(HOL): Dad badan oo ka barakacay Magaalada Muqdisho ayaa xalad nolol xumo ah waxay ku heysaa Deegaanno ay u qaxeen oo Muqdisho duleedkeeda ku yaala.
Dadkani oo markoodii horeba aan heysan Raashin ku filan oo ay quutaan ayaa hadana waxaa ugu sii darsamay biyo la’aan daran, iyadoo fuustadii Biyo ahna ay deegaannadaas ka gaartay lacag ku dhow 20,000 Sh. So.
Deegaannada ay dadkani ku sugan yihiin ayaa waxay kala yihiin Ceelasha Biyaha, Xaawo Cabdi, Lafoole iyo Deyniile, waxayna nolosha ku sii adkaatay kadib markii Hay’ado iyo Shakhsiyaad biyo dhaamin u sameyn jiray ay joojiyeen gargaarkii ay dadkaas u fidinayeen.
Waxay biyo la’aanta ugu daran ka jirtaa Xeradii Wiilasha Agoonta Lafoole oo ay dad badan oo Muqdisho ka barakacay ay ku nool yihiin, sidaas darteedna Agaasimaha Xaruntaas C/qaadir Kaariye ayaa ugu baaqay Hay’adaha Samafalka iyo Dadka Soomaaliyeed ee wax heysta in ay dadkaas gurmad deg deg ah la soo gaaraan.
Agaasime C/qaadir Kaariye waxaa uu sheegay in Xaruntaas oo ay ku sugan yihiin Qoysas kor u dhaafaya 250 Qoys ay noloshooda halis ku jirto, isagoo caddeeyay in haddii aan dadkaas biyo loo helin ay Haraad u dhimanayaan ka sokow Gaajo ay u dhintaane.
Dhawaan ayay ahayd markii Deegaano hoos-taga Degmada Deyniile ay 11 ruux oo isugu jiray Caruur, Haween iyo Dad Waayeello ah ay Haraad iyo Gaajo u geeriyoodeen kadib markii ay u barakaceen deegaannadaas oo aysan uga horeynin cid gargaarta.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia