Ra’iisal Wasaare Geeddi oo ka tacsiyeeyay Tacaddiyo Dadka Muqdisho loogu geystay Magaca Dowladda Federaalka

Talaado, October 09, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo maalintii shalay ahayd kulan la qaatay Odayaasha Beesha Hawiye, Garabka uu Hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad ayaa mar uu ka hadlayay kulankaas waxaa uu ka tacsiyeeyay tacaddiyo magaca Dowladda Federaalka loogu geystay Dad rayid ah oo ku dhaqan Magaalada Muqdisho.
Ra’iisal wasaare Geeddi waxaa uu sheegay in aysan Dowladda Federaalka amrin in Dadka la dhibaateeyo, isla markaana la barakiciyo, wuxuuna caddeeyay in Ciddii bixisay awaamirtaas ay Dowladda ka qaadi doonto tallaabi sharci ah.
“Waan dareemi karnaa in Askar aan lahayn tababar ku filan, anshax iyo dhaqan wanaagsan oo weliba lagu sii daray Dad Dharka Ciidamada Suuqa ka iibsaday in ay dhibaatooyin geysanayaan, hayeeshee waan ka tacsiyeynayaa dhibaatadii lagu geystay magaca Dowladda”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geeddi.
Ra’iisal Wasaare Geeddi waxaa uu ugu baaqay Dadkii Muqdisho ka barakacay in ay guryahooda dib ugu soo noqdaan, isagoo caddeeyay in aaney jiri doonin dad kale oo la barakicin doono, balse waxaa uu ka dhawaajiyay in la joojiyo Falalka Nabadgelyo-darrada ah ee ay ka midka yihiin Qaraxyada iyo Dilalka.
Ra’iisal Wasaare Geeddi ayaa hadalkaas jeediyay kadib markii Odayaashii ka socday Beesha Hawiye ee uu la kulmay ay u gudbiyeen codsi ah in ay Ciidamada Dowladda Federaalka dhibaatada iyo barakicinta ka daayaan, isla markaana loo ogolaado in ay guryahooda dib ugu soo noqdaan.
Odayaasha Beesha Hawiye oo ay u hadleen Maxamed Xasan Xaad iyo Axmed Diiriye Cali ayaa iyana waxay ugu baaqeen Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka in ay joojiyaan Qaraxyada iyo Dhibaatooyinka kale ee ay geysanayaan, isla markaana ay nabadda qaataan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Kulanka dhexmaray Odayaasha Beesha Hawiye garabka uu Hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo la sheegayo in uu khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi, iyadoo khilaafkooda la sheegayo in uu gaaray in uu Ra’iisal Wasaaraha raadsado Beeshiisa, halka Madaxweynahana uu Baydhabo ka wado kulamo ka dhan ah Ra’iisal Wasaare Geeddi oo uu la leeyahay Mudanayaasha Baarlamaanka qaarkood.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia