Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo sheegay in haddii aaney Xukuumadda Federaalka kalsooni weydiisan Baarlamaanka meesha lagu kala tegi doono
Isniin, October 22, 2007(HOL): Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku goodiyay in haddii aaney Xukuumadda Federaalka kalsooni weydiisan Baarlamaanka ay Dowladda burburi doonto, isla markaana meesha lagu kala tegi doono.
Xildhibaan Xaabsade waxaa uu sheegay in Xukuumadda Federaalka uu ka dhamaaday waqtigii loo qabtay in ay ku soo diyaariso Dastuurka Federaalka, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in ay kalsooni weydiisato baarlamaanka.
“Xildhibaannada qaarkood ayaa sheega in aaney jirin cid mooshin ka keentay Xukuumadda, waxaan leeyahay Axdiga KMG ah ayaa mooshin ka keenay Xukuumadda, waana in ay codka kalsoonida weydiisataa Baarlamaanka”ayuu yiri Xildhibaan Xaabsade.
Xildhibaanka ayaa dhawaan wuxuu ka sheegay Magaalada Baydhabo in uu ka mid ahaa Hoggaamiye Kooxeedyadii Tiknikada iyo Ciidamada ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, sidaas darteedna aan Tikniko iyo Ciidamo wax lagu qaadi doonin. Xildhibaanka ma sheegin cidda ciidamo iyo Tikniko wax ku dooneysa ee ku xambaartay in uu farriintaas si dadban ugu diro.
Sidoo kalena, Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in ay 8 bilood ka hor aragtay qaladaad ay ku socotay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, xiligaas oo ay iska casishay xil ay ka heysay Wasaaradda Warfaafinta, waxayna caddeysay in ay qabto in Xukuumadda Federaalka ay tahay in ay Kalsooni weydiisato Baarlamaanka bacdamaa sida ay tiri aysan waxba qaban mudadii ay jirtay.
Xildhibaanadda oo sii hadleysay waxaa ay sheegtay in mar kasta oo la doonayo in Baarlamaanka hortiisa lagula xisaabtamo Xukuumadda ay soo baxaan Xildhibaanno sida ay tiri ku rafta Beelo iyo 4.5, iyadoo xustay in haddii qof meesha ku yimid afar beelood iyo bar uu meesha baneeyo ay beeshiisa booska soo buuxineyso, hayeeshee aysan arrintu ahayn in qofkaas weligiis iska joogo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia