Maxamed Dheere oo sheegay in Dad ka yimid Gobollo kale ay nabadgelyo darro ka wadaan Magaalada Muqdisho
Jimco, November 02, 2007(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa shaaca ka qaaday in nabadgelyo darrada ka jirta magaalada Muqdisho ay ka dambeeyaan Dadka sida uu yiri ka yimid Gobollo kale oo nabdoon.
Maxamed Dheere oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, Shiikh Xasan Turki iyo Nin uu ku magacaabay Ina Shongolo ay nabadgelyo darro ka wadaan Magaalada Muqdisho.
“Mukhtaar Roobow wuxuu u dhashay Bay iyo Bakool nabad ayaa ka jirta, Xasan Turki wuxuu ka soo jeeda Gobollada Jubbooyinka nabadgelyo ayaa ka jirta, Ina Shongolo wuxuu ka yimid Puntland dhibaatana kama jirto, marka waxaa is-weydiin leh Nimankaas haddii ay run sheegayaan maxay deegaanadooda nabadgelyo darro uga abuuri waayeen haddii aysan Dadka Muqdisho dhibaato la rabin”ayuu yiri Maxamed Dheere.
Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in Dadka Muqdisho looga baahan yahay in Raggaas iska qabtaan, isla markaana ay ka shaqeeyaan sidii ay nabadgelyo ugu noolaan lahaayeen.
Maxamed Dheere ayaa sidoo kale wuxuu baaq u diray Oday Dhaqameedyo ka soo jeeda Beesha Hawiye oo maanta shir ku leh Hotelka Ramadaan, kuwaasi oo uu ka codsaday in ay ka hadlaan sida uu hadalka u yiri dhibaatada ay raggaas ka wadaan Magaalada Muqdisho.
Maxamed Dheere ayaa hadalkaas jeediyay kadib kulan uu la qaatay Odayaal ka socday Beesha Hawiye oo ka codsaday inuu joojiyo Howlgallada uu Mqudisho ka wado, kuwaasi oo ballanqaaday in ay wax ka qaban doonaan Nabadgelyada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia