10/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 8 , 2007
Jaaliyadda Beesha Xawaadle ee Gobolka Minnesota oo dooratay Hoggaan Metela

Axad, July 08, 2007(HOL): Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa waxaa  ka dhacay shirweyne ay isugu timid Beesha Xawaadle, kaasi oo looga hadlayay sidii ay Beeshaas u yeelan lahayd Hoggaan u metela Gobolka Minnesota.

 

Shirweynahan oo ahaa mid  si heer sare ah loo soo abaabulay , waxaa kasoo qeybgalay Aqoonyahanno, Siyaasiyiin, Culumaa’udiin,  Dhalinyaro, Odayaal Dhaqameedyo iyo Haweenka,waxaana shirkaas looga hadlay dhowr qodob oo ay ka mid ahaayeen Midnimada iyo jiritaanka Beesha Xawaadle iyo sidii beesha ku dhisan lahayd guddi yo iyo hoggaan u metela gobolka Minnesota , waxaana lagu dhisay isla shirkaas labo gudi oo metela Beesha Xawaadle ee gobolka Minnesota , waxeyna kala yihiin guddiyadaas:

 

(1) Gudiga Dhaqanka Beesha Xawaadle ee gobolka Minnesota, gudigani wuxuu ka kooban yahay shan xubnood.

 

(2) Guddiga Siyaasada Beesha Xawaadle ee gobolka Minnesota, gudigani waxuu ka kooban yahay todobo xubnood oo isugu jira Rag iyo Dumar, waxaana loo doortay inuu hogaanka hayo mudo hal sano ah, iyadoo kadibna la qaban doono shiweyne hoggaanka dib loogu habeynayo oo mid cusub lagu dooranayo.

Sidoo kalena shirka waxaa looga hadlay dagaallaadii dhawaan ka dhacay  Degaanka Coomaad ee Gobolka Hiiraan, iyadoo ka qeybgalayaashii Shirkana ay dood dheer kadib u soo jeediyeen mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka, Odayaasha Dhaqanka, Ugaasyada, Aqoonyahannada, Culumaa’udiinka, Haweenka iyo Dhalinyarada Gobolka Hiiraan in ay u istaagaan sidii ay u soo  af-jari lahaayeen colaadda dhexmartay dadka walaalaha ah ee deegaankaas ku dhaqan, iyagoo xalinta khilaafkaasna u maraya Diinta Islaamka, si aysan Colaaddaas dib dambe ugu soo noqon dadka Walaalaha ah.
Abdulkadir Kulmiye

 

Waxaa kale oo shirkaas ka soo baxday cambaareyn loo jeediyay Dadkii ka dambeeyay xarig dhawaan loo geystay Nabaddoon Xasan Nuur Qanyare (Xasan Ciid) oo ka tirsan Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan, kaasi oo loo gacan geliyay Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Deegaanka Feer-Feer, waxayna Jaaliyadda Beesha Xawaadle ee Gobolka Minnesota ay ka codsatay maamulka Gobolka Hiiraan in si deg deg ah xoriyaddiisii dib loogu soo celiyo nabaddoonka.

 

Ugu dambeyntiina waxaa shirka loogu mahadnaqay Odayaashii, Dhalinyaradii iyo Gabdhihii soo qaban qaabiyay Shirkan, iyadoo sidoo kalena loogu duceeyay xubnaha Guddiyadii Shirka lagu doortay, kuwaasi oo Allaah looga baryay in uu xilkooda ugu guuleeyo sidii la isugu waafaqay.

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia