Dadkii Muqdisho ka barakacay ee Geedaha Hoostooda ku noolaa oo Roobkii Guga uu ka dul curtay
Axad, April 15, 2007(HOL): Dadkii ka qaxay magaalada Muqdisho ee u barakacay Daafadaha Magaalada Muqdisho, gaar ahaana Hareeraha Wadada isku xirta Xamar iyo Afgooye oo awalba ay heysatay xaalad nolol xumo ah ayaa hadana waxaa ugu sii darsamay Roobkii Guga oo ka dul curtay iyagoo aan heysan meel ay ka galaan.
Dadkani oo Geedo ku hoos nool ayaan heli karin meel ay ka galaan Roobka, waxaana dushooda ku hooray roobabkii xalay iyo habeen hore ka da'ay Magaalada Muqdisho iyo Nawaaxigeeda.
Qoysaskani oo roobka ka hor ay heysatay xaalad caafimaad darro kadib markii ay caruurtooda ku dhaceen xanuuno ay ka mid yihiin shuban biyoodka iyo xasaasiyad ay ka qaadeen geedaha ay ku hoos nool yihiin ayaa haatan waxaa la soo deristay xaalad kale oo culeyskeeda leh oo ah in uu roobkii dushooda ku hoorayo, waxayna qoysaska qaarkood sheegayaan in loo qaatay in ay dib ugu laabtaan guryahoodii oo ay Madaafiic darteed uga soo carareen.
Ugu Dambeyntiina Qoysaskani ayaa ka qaxay dagaalladii xoogganaa ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho kadib markii ay u dulqaadan waayeen madaafiic aan loo meel dayin oo ay isku ridayeen dhinacyadii dagaalka iskala soo horjeeday.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia