10/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 27, 2007
Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka oo sheegtay goorta uu ku egyahay isticmaalka Baasaboorkii hore ee Soomaaliya


Sabti,
January 27, 2007(HOL): Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay shaaca ka qaaday xiliga uu ku egyahay isticmaalka Baasaboorkii  hore ee Soomaaliya.

 

Agaasimaha Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa sheegay in isticmaalka Baasaboorkaas uu ku egyahay 7-da Bisha May ee soo socota, wuxuuna caddeeyay in xiligaas kadib uu shaqeyn doono Baasaboorka cusub ee Soomaaliya, wuxuuna sababta looga tegayo isticmaalka Baasaboorkii hore uu ku sheegay in ay qaateen dad Ajnabi ah.

 

C/llaahi Gaafow Maxamuud waxaa uu sheegay in Baasaboorka cusub ee Soomaaliya uu yahay mid u shaqeynaya qaab casri ah oo aan la been abuuri karin, wuxuuna caddeeyay in uu dhaqangalkiisa bilowday dhamaadkii sanadkii hore.

 

C/llaahi Gaafow wuxuu intaas ku daray in ay dalal badan oo Caalamka ah ay xarumo uga sameeyeen dhaqangelinta Baasaboorka cusub ee Soomaaliya oo afar nooc isugu jira (midka dadweynaha, midka shaqalaha dowladda, midka diblumaasiyiinta iyo midka socdaalka ee la  siiyo dadka Ajaaniibta ah).

 

Agaasimaha Waaxda Socdaalka Soomaaliya C/llaahi Gaafow Maxamuud wuxuu xaqiijiyay in uu Baasaboorka cusub ee Soomaaliya uu horay ugu socdaalay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi, halka uu haatanna qaadan doono Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo uu Baasaboorkiisii Muqdisho ugu keenay.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia