Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Maleeshiyooyin gacan saar la leh Maxkamadaha Islaamka oo Buur Hakaba ku dagaalamaya
Sabti, October 21, 2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Buur Hakaba ee gobolka Bay ayaa sheegaya in ay saakay halkaas ku dagaalamayaan ciidamada Dowladda Federaalka iyo Maleeshiyooyin deegaankaas ka soo jeeda, kuwaasi oo gacan saar la leh Maxkamadaha Islaamka.
Taliyaha Maleeshiyooyinka Buur Hakaba ku sugnaa oo Buulloow lagu magacaabo ayaa sheegay in weerar ku soo qaadeen Ciidamada Dowladda Federaalka oo ay la socdaan kuwo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo ay rasaas is-weydaarsanayaan.
Taliye Buullow waxaa uu intaas ku daray in ay ciidamadoodii magaalada Buur-Hakaba isaga baxeen kadib markii ay weerar xooggan ku soo qaadeen Ciidamada Dowladda iyo kuwo Itoobiyaan ah, wuxuuna caddeeyay in ay haatan joogaan magaalada Buur-Hakaba duleedkeeda, isagoo ku goodiyay in ay dib ugu noqon doonaan magaalada, isla markaana ay ka saari doonaan wax uu ku sheegay Gaalada ku soo duushay.
Maleeshiyooyinkan lagala wareegay gacan ku heynta Magaalada Buur-Hakaba ayaa laga yaabaa in ay gacan ka helaan Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka oo ku sugan inta u dhaxeysa Deegaanka Leego iyo Degmada Buur-Hakaba, kuwaasi oo halkaasi la geeyay kadib markii ay dhawaan Magaalada Buur-Hakaba soo gaareen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka.
Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda Federaalka oo xaqiijinaya in ay weerar ku qaaday magaalada Buur-Hakaba.
Kala soco Hiiraan Online wixii ku soo kordha dagaalka saakay ka qarxay Degmada Buur-Hakaba
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia